U bood dhigaalka

Shil dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Sheeko:War

Warar goor dhow naga soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Siinka-Dheer.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur nooca raaxada ah iyo mooto ka mid ah mootooyinka loo yaqaano Bajaajka. Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay shilkan ruuxii kireystay mootada, iyadoo uu xaalad miyir beel ah ku jiro wadihii mootada.

Dhaawaca ayaa la keenay isbitaalka Madiina si loogu dabiibo. Mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay gebi ahaan burburtay mootada.

Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa in badan ka dhacay shilal ka dhasha gawaarida kala duwan ee isticmaala wadada.

Saraakiisha ilaalada nabad galyada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa u sababeeya shilalka noocan oo kale ah wadayaasha gawaarida oo xawaare dheer iyo masuuliyad darri ku kaxeeya gawaarida.