U bood dhigaalka

Shil Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Imaaraadka

Sheeko:Caalamka

Shil gaari oo ka dhacay dalka iskutagga Imaaaradka Carabta  ayaa  geystay khasaare kala duwan, kaas oo soo gaaray dad shacab ah iyo askarta ilaalada waddooyinka,

18 jir u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa shil  ku dhintay kadib markii uu gaariga uu watay uu galay shilka saa’id uu ku waday, taas oo sababtay in gaarigiisu si lama filaan ah uu wadada uga leexdo kadibna uu ku dhaco gaari kale iyadoo ay ka dhalatay dhaawacyo halis ah oo kala duwan kuwaas oo laagarsiiyay Isbitaalada.

General Saif Al Zari Al Shamsi, Taliyaha Guud ee booliska magaalada Sharjah, ayaa sheegay in howlgalka ee Booliska ay heleen macluumaad ku saabsan qasaaraha ka dhashay shilka, “Wadde gaari oo 18-jir ah ayaa ku dhintay shilka halka tiro gaareeysa 5 ruux oo ay traafiko ah gaariga si lama filaan ah uga leexday wadada xaware saa’id ah ayuu ku socday taasoo keentay in ay isku dhacaan gaari kale oo ay saarnaayeen seddex qof”. ayuu yiri.

Labo ka mid ah dadkii lasocday gaariga lagu dhacay waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah halka darawalka dhaawiciisu uu yahay mid fudud,dhamaan dhaawacyada waxaa loo qaaday Isbitaalka Al-Qasimi ee ku yaal magaalada Sharjah. General Saif Al Zari Al Shamsi ayaa warbaahinta u sheegay.

Waxaa uu ka codsaday darawalada gawaarida inay u hogaansamaan sharciyada wadista gawaarida, raacaana calaamadaha taraafikada si looga fogaado shilalka dhimashada keena. si kastaba shilkan ayaa waxaa ku geeriyooday wadihii gaariga labo Booliis ah, darawalkii waday gaarigii ay isku dhaceen iyo labo ruux oo rayad ah.

Goobjoog News