U bood dhigaalka

Shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo Digniin u Diray 45 xildhibaan oo Ka Maqan Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Shir guddoonka golaha wakiillada Somaliland  ayaa digniin u jeediyay 45 xildhibaan  oo  ka tirsan aqalka wakiilada kuwaasi oo aan soo xaadirin Afartii kalfadhi ee ugu dambeeyey iyada oo qaarkood ay golaha aaney lugta soo dhigin muddo  Laba sanno ah ku dhawaad .

Qoraal lagu baafinayey  xildhibaanadan  oo ka soo baxay xafiiska xoghaya golaha ayaa lagu sheegay in  golaha looga yeerayo 45 xildhibaan muddo toban maalmood ah gudahood.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha  Cali Yuusuf  Axmed oo la hadlay xildhibaanadii golaha iyagu ka soo xaadiray maalinimadii shalay ayaa sheegay inay xilka umadda u hayaan balse ayna u haynin inay ku mushaar qaataan oo qura;  “ xilka waxaad u haysaan waa umadda idin soo dooratay uma haysaan inaad mushahar iyo lacag ku qaadataan oo kaliya markaas waxaan idin sheegaynaa shir guddoon ahaan inaad soo xaadirtaan oo waajibkiinna garataan “.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska xoghayaha golaha ayaa lagu shaaciyay magacyada   45 xildhibaan  iyo midkastaaba muddada uu maqnaa, waxaa la socday qoraalka in digniin loogu jeediyay in sidan haddii ay ku sii socdaan ay ku waayi karaan xasaanadda xildhibaanimo iyo xilka labadaba .

Golaha wakiillada Somaliland  oo sanadkoodii 11aad u socdo ayaa  waxa  shir guddoonkiisu laba jeer oo hore ay soo saareen  go’aanno ay 7 xildhibaan ku waayeen xilkoodii, kuwaas oo sidan oo kale digniin markii hore loogu diray ka dibna golaha dhexdiisa laga shaaciyey inay xubinimadoodii waayeen.

Goobjoog News