U bood dhigaalka

Shir Lagu Heshiisiinayo Beello Ku Dagaallamay Shabellaha Hoose Oo Ka Furmay Degmada Afgooye

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose waxaa ka furmay shir dib u heshiisiin ah, laguna heshiisiinayo beello wada degga gobolka Shabellaha Hoose.

Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa Goobjoog News u sharaxay ulajeedka shirkan iyo sidoo kale natiijada laga filan karo.

Waxa uu tilmaamay in loo soo wada jeestay in wax laga qabto arrinta gobolka Shabelleha Hoose, islamarkaana ay uga shaqeyn doonaan qaab maamul gobaleed ah.

“Natiijada laga tilmaami karo ayaa ah in loo soo jeestay in dabagal lagu sameynayo qodobadii horay loogu heshiiyey, waxaa loo sheegi karaa madaxdii gobolka guud ahaan in loo soo wada jeestay in si wadajir ah wax looga qabto Shabellaha Hoose oo aan la maqli doonin dhib dambe iyo fowdo dambe, annaga oo aan qabiil ahayn ayaana howsha ku jirna” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Dhoore ayaa sheegay in ay soo laab laabteen dagaallada ku saabsan qabiillada, islamarkaana ay dadaal ugu jiraan sidii gobolkaasi aanu mar kale uga dhicin dagaallo qaab qabiil u abaabulan.

“Heshiiskii la gaaray 2015 waxaa laga faa’iday wax badan, waa la is weerari jiray, beero ayaa la iska qaadan jiray waxaas wey dhamaadeen, waxyaabo yar yar ayaa iska jira oo xitaa beelahan waaye la dhihi karin oo shabaab ama niman kale ka dambeeyaan, hadda waan usoo jeedsannay inaan dhammeenno wax walbo oo ku saabsan dagaalladaasi, waxaa lagu mashquulsanaa arrimo la xiriira maamulka iyo amniga, sida aan maanta u billownay ayaan usii wadi donnaa illaa magaalada Marka ayaan tageynaa” ayuu yiri Xidhibaanka.

Beelahan heshiiska la kala dhexdhigayo waxay horay ugu dagaallameen gobolka Shabellaha Hoose, inkastoo ay jireen wada hadallo hore, hase ahaatee maamulka Koonfur Galbeed ayaa markan doonaya in lasoo gabagabeeyo guud ahaan colaadda gobolkaasi.

Goobjoog News