Shir Lagu Mideynayo Maamullada Khaatumo iyo Maakhir oo Ka Dhacay Muqdisho

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdullahi Jamac ayaa Goobjoog News uga waramay shir maanta Muqdisho ka dhacay oo looga hadlay  Maamul u sameynta Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in horay halkaas looga sameeyay Maamullo kala duwan sida Maakhir iyo Khaatumo oo midba oo gobol joogo, maanta ay tahay xiliigii ay isu iman lahaayeen.

Xildhibaan Cabdiwaaxid waxaa uu soo qaatay in iyadoo laga ambo-qaadayo heshiiska Soomalaida ee ah in 2 gobol iyo wixii ka badan ay Maamul sameysan karaan ay ku heshiiyeen in labada Maamul ee Maakhir iyo Kaatumo isu geeyaan oo shir loo qabto bulshada labada dhinac si ay uga soo baxdo maamul ay ku mideysan yihiin.

Cabdiwaaxid waxaa uu sheegay in shirka maanta ka qeyb galeen Salaadiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, dad horay madax uga soo noqday labada dhinca iyo Xildhibaanada iyo Wasiirada goboladaas.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in shirkan ay ogolyihiin Maamullada ladaba gobo lee la sheegay in la mideynayo, inta joogtana ay Matalaan inta maqan, oo ay arinta tahay war taga shaday.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW