U bood dhigaalka

Shir Looga Haday Amniga Gobolka Mudug oo Gaalkacyo Kusoo Idlaaday

Sheeko:War
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta kusoo gabagaboobay  kulan looga hadalayay  amniga heer gobol iyo heer degmo, waxaana shirka guddoomiyey guddoomiyaha gobolka Mudug Feysal Sheekh Cali, kulan ayaa  ka dhacay qeybta Waqooyi, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka Puntland.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka, laamaha ammaanka saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana si weyn loogu gorfeeyay amniga guud ee gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo, oo ay ka dhacaan falal amniga kasoo horjeeda, waxaana la isku raacay sidii loo kordhin lahaa xoojinta amniga.
Shirka ayaa oo socday laba maalin ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxaa uu sheegay in dhammaan la isla gartay in ay dhibaato amni ee ka jirta gobolka iyo degmada, waxaana uu kula dardaarmay laamaha amniga inay sare u  qaadaanxoojinta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa diilal ka dhaca magaalada Gaalkacyo.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Waqooyiga Gaalkacyo lagu dilay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, kaas oo kooxo hubeysan ay toogteen, waxaana sidaas oo kale uga dhaca magaalada falal amni darri iyo dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysto mas’uuliyiin iyo ciidan ka tirsan Puntland.
Goobjoog News