U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Amniga Doorashada oo Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Baarlamaanka

Shir looga hadlaayay amniga guud ee dalka,  si gaar ah midka doorashada guddoonka golaha shacabka iyo mida madaxweynahana  ayaa waxaa uu ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray dhowr qodob oo amniga quseeya, waxaana ka ka qeyb gashay madax kala duwan oo lagu casuumay.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Maxamed Rooble, madaxweyneyaashii  hore Xasan Sheekh Maxamuud,  Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyneynihii  hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo taliyahihii shaqada laga joojiyay ee Xijaar.

Kulan ayaa  waxaa gabagabadii la isku raacay dargelinta howlaha lagu sugayo amniga guud ee goobta doorashada ka dhacayso ee golaha shacabka iyo xal loogi helo karo caqabadaha amniga ee ku hor gudban , iyadoo lagu wado in caasimadda Muqdisho ay marti geliso doorashada madaxweynaaha Jamhuuriyadda federalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News