U bood dhigaalka

Shirka Baarlamaannada Wadamada Carabta oo Ka Dhacay Magaalada Baqdaad

Sheeko:Caalamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qeyb galay meerteeda 34-aad ee Midowga Baarlamannada dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladaha amni iyo dhaqaale ee wadamada Ururka Jaamacadda Carabta.
Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo maanta ka furmay magaalada Baqdaad ayaa looga hadlay taageerada Carabta, si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32-aad iyo Shirweynihii 33-aad ee deg-degga ahaa, arrimaha maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada.
Madaxda shirka ka qeyb gashay qaarkood ayaa soo jeediyay in la taageero codsiga ah in qodob degdeg ah lagu daro ajandayaasha golaha guud ee 146-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka ee uu soo gudbiyay Golaha Shuurada ee Dawladda Qatar, oo wakiil ka ah Kooxda Baarlamaanka Carabta, oo ciwaankeedu yahay in la dambiyo quursiga diinta, ku xad-gudubka goobaha cibaadada iyo xurmada, faafinta nacaybka dadyowga dhexdooda, iyagoo ku baaqay in la horumariyo qiimaha wada-noolaanshaha, dulqaadka, nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa  looga hadlay in la sameeyo wafdi ka socda Midowga Baarlamaanka Carabta oo booqasho ku tagay walaalaha Suuriya, isla markaana la caddeeyo taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabkeeda, kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay dhulgariirkii 6-dii bisha ku dhuftay xadka dalkaas uu la wadaago dalka Turkiya, waxaana inta la xaqiijiyay geerida 43,000 oo labada shacab ah, iyado sidoo kale ay dumeen guryo ku dhow 400,000.
May be an image of 6 people and people standingMay be an image of 16 people and people standingMay be an image of 4 people, people sitting and suitGoobjoog News