U bood dhigaalka

Shirka hogaamiyaasha Afrika iyo Mareykanka oo maanta ka furmaya Washington

Sheeko:Caalamka
Xasan-iyo-Obama
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaadanaya Dhigiisa Mareykanka Barack Obama

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa In Magaalada Washington uu ka furmo shir wayne ay isugu imaanayaan Madax ka kala socda Dalalka Afrika iyo Dowladda Mareykanka.

Kulanka dhinaca Soomaaliya waxa uga qayb galaya wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Dibada.

Kulankan waxa diirada lagu saarayaa wanaajinta xiriirka mareekanka uu la leeyahay qaarada Afrika , maalgashiga, iyo   cudurka qatarta ku haya Galbeedka Afrika ee Ebola.

Dalalka Afrika ayaa ku soo bandhigaya kulankan waxyaabaha uu caanka ku yahay marka laga hadlayo xaga wax soo saarka.

Dowladda Mareykanka ayaa kaga dhawaaqi doonta magaalada Washington mashaariic ku kacaya 1 bilyan oo doollar si loogu hormariyo adeegyada aas aasiga ah.

Mareykanka ayaa aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya bilowgii 2013-ka, waxaana dabayaaqadii bishii hore  uu Madaxweynaha Mareykanka Obama warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya.