U bood dhigaalka

Shirka looga hadlaayo maalgashiga Afrika oo maalintii Labaad galay

Sheeko:Caalamka

Shirkii looga hadlayay Maalgashiga Afrika ayaa Maanta galay maalintii labaad , kaa soo ay ka qayb galayaan Hogaamiyaal ka socda qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya

Shirkaas Dowlada Soomaaliya Magaceeda waxa ku jooga oo shirka ka qayb galaya Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Maanta lagu wado in halkaasi ka jeediyo hadalka shirkaasi kaga aadan Soomaaliya.

Shirka ayaa waxa lagu casuumay Dowladaha Soomaalia Ruwadan, Uganda, Tanzania iyo Ganna oo dhamaantooda wadamadaasi ay ka qayb galayaan Madaxwayniyaashooda

Shirka ayaa sidoo kale waxa ka qayb galaya shirkado ganacsi oo daneeya arimaha Dalalkaasi.

Dhinaca Kale Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in lixda sano ee soo socda Shidaal ay ka soo saari doonaan Soomaaliya.

Hadalkaasi waxa Magaalada London ka jeediyay Wasiirka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliya oo uu ka qayb galay shirkii arimaha Saliida iyo Gaas ee ka dhacay Magaaladaasi.

Goobjoog News