U bood dhigaalka

Shirka Musharaxiinta oo Maalintii Labaad Galay, Kulankii Koowaad Maxaa Looga Hadlay?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii labaad ka socda shirka wadatashiga Musharaxiinta madaxweynaha dalka, waxaana shirka ka qeyb galayo Mushaxiin ku dhow ilaa 15 musharax, waxaana shirkoodo ku egyahay maalinta bari.

Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax madaxweyne kuna hadlayey afka Murashaxiinta  ayaa faahfaahiyey u jeedka shirka laga yeeyahay” Murashaxiintu waxaa ay isiga yimaadeen meelo kala gadisay oo ay  joogeen, laakiin waxa isku keenaya ayaa waxaa ay tahay dalkii Soomaaliya geedi socodkii quruxda badanaa ee qori isku dhiibka ahaa ee nabad wax isugu wareejinta ahaa oo hannaan cad oo tartame iyo lala tartame natiijada ay wada aqbali jireen ayaa waxaa soo muuqatay in ay khatar ku soo wajahantahay” ayuu yiri musharx Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Markii la isu yimid waxaa ay ka bilaabeen waxyaabihii la kala tabanaayey ee mugdi  mugdiga ahaa, murashaxiinta qaar wixii meesha laga saaray, waxaa ay ku heshiiyeen  in meel looga soo wada jeesto sidii Soomaaliya marxaladda ay ku jito uga gudbi laheyd oo loo heli lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah dammaanad qaado dowlad Soomaaliyeed oo degan oo sal adag oo dadku isku waafaqsan yihiin”

Shirka Musharaxiinta ayaa waxaa lagu wadaa in inuu socdo mudo sedex maalin ah, sida loo qorsheeyey waxaana looga  hadli doonaa arrimaha doorashada iyo xaaladda guud ee dalka, musharaxiinta ayaa ku dhawaaqi doona madal, sidoo kalena waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku qotoma xaaladaha dalka iyo doorashada.

Goobjoog News