Shirka Wadatashiga Gobolka Banaadir ma Go’aamin karaa Maqaamka Caasimadda?

Hordhac

Tan iyo intii la qaatay nidaamka Federaalka sandkii 2004 waxaa si kala joogsi lahayn u socday dooda Maqaamka Caasimadda la saanqaada xarig-jiidka siyaasadeed ee u dhexeeya Siyaasiyiinta oo mararka qaarna xiisad kicisa; xiliyana iska shiiqa.

7 January 2018,  waxaa soo shaac baxday shir looga tashanayo aayaha Gobolka Banaadir ama Magaalada Muqdisho oo kulminaya siyaasiyiin, odoyaal, waxgarad iyo bulshada rayidka ah, shirkii waa la baajiyay arrimo farsamo dartood sida u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Mudane Thaabit Cabdi, mar danbe Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in loo mudeeyay 28 January 2018.

Hadaba, waxaa is waydiin mudan maxaa soo celceliya muranka Maqaamka Caasimmadda, maxay tahay waxyaabaha uu salka ku hayo doodaha kala duwan ee ka dhex guuxaya shacabka Soomaaliyeed? Iyo yaa xaq u leh go,aaminta Maqaamka Caasimadda.

Taariikh Koobaan

Taariikhyahanadu waxay isku maandhaafsanyihiin xilliga la unkay Muqdisho qaar baa waxay qabaan in la aasaasay ka hor dhalashada nabi Ciise Nabad Galyo allaha kor yeelee halka kuwa kale ay qabaan in la aasaasay xilligii Amawiyiinta gaar ahaan Cabdilmalik Bin Marwaan xiligii uu talinayay Qarnigii labaad ee Hiriga, waxaa isu badbadlay maamulo badan oo Carab iyo Faaris (Iyraan) isgu jiray, Taariikhyahanka Ibnu Badhuuudha wxuu sheegay xilliga uu booqday Muqdisho 1331 in ay ahayd Magaalo wayn oo camiran dadkeeduna yihiin ganacsato kuna hadlayeen luqad uu ugu yeeray Muqdishi oo uu ula jeeday afsoomaaliga iyo afka carabiga, 1892 waxaa qabsaday gumaystihii Talyaaniga asagoo kala wareegay Cumaaniyiinta. Ka soo bilabato 1936 ilaa hadda Muqdisho waxay yeelatay dhawr iyo soddon Duq (Gubernator) 10 kii ugu horeeyay waxay ahayeen shisheeye gumaystuhu magacaabay.

Caasimadaha Federaalka waa ceynkee?

Hor iyo horaan Shacabka Soomaaliyeed waxay isku raacsanyihiin in Magaaladda Muqdisho Tahay Caasimadda dalka, oo ay wada dhisteen 5 ta qaybood oo xidigta calanka ay astaan u  tahay oo ay sida wadnaha dhiiga ugu qaybiyo jirka intiisa kale ay Magaalooyinka u quudiso  oo Muqdisho la,aan teed aysan jiri karin.

Dastuurku waa heshiis bulsho gaarto dhamaan Arrimaha Dowladda la xiriira sida qaabka dhismeedka Doowladda, Qeexa shaqada seddexda Awoodood ee Fulinta, Xeerrdajinta iyo Garsoorka iyo xiriirka uu dhexeeya Awoodahaas, balse Soomaaliya wali ma yeelan Dastuur dhamaystiran afti loo qaaday ka dib Dastuurkii 1961 oo ku dhisnaa Nidaamka Awoodda leedahay Dowladda Dhexe ( Central State ), waxaa 2012  ergo gaaraysa 825 laga soo xulay dhamaan qaybaha Bulshada ansixiyeen Dastuur ku meel gaarka ah, dhawr qodob oo muhiim ah ayuu dib u dhigay sida Qaybsashada Khayraatka, Maqaamka Caasimadda iyo Maxkamadda Dastuuriga oo loogu talagalay in ay is waafaiso Dastuurka Federaalka iyo Axdiyadda Dowlad-Goboleedyadda iyo kala saarista muranada xagga Dastuurka la xiriira.

 

Ma rabo in aan ka hadlo Federaalku dan ma noo leeyahay mise waa dibindaabyo oo taasi waxay u baahantahay qormo kaligeed ah wax bandanna waan ka hadlay, kaliya waxaan rabaa in aan xuso Caasimadaha dalalka Federaalka ah sida ay yihiin iyo tan ku haboon dalkeena, markii la soo koobo waxaa Dunida ka jira 3 qaab in ay noqoto Caasimadda :

  1. Caasimmad Federaal ah : waxay leedahay Maqaam Gooni ah , waxaa toos u maamula Dowladda Federaalka, waxaa Tusaale u ah Washington Dc Caasiamadda USA , Ethiopia iyo Brazil.
  2. Caasimad Federaal Iyo Dowlad Goboleed isku ah : waxay kulmisata labadaa heer ee maamul waxaa Tusaale u ah Abu Dhabi Caasimadda UAE, Moscow iyo Berlin Caasimdda Germany.
  3. Dowlad Goboleed marti galisa Caasimadda : waxay marti galisa Dowladda Federaalka ah, Dowladda Federaalka kaliya waxay maamushaa Dhismayaasha ay ku leedahay Maamulka dhexdiisa sida Caasimadda Canada ee Ottawa ,Pretoria ee South Africa iyo Malaysia oo ka wareegtay Caasimadeedii hore Kuala lumpur oo noqoatay Caasimadda ganacsiga una wareegtay Magaalo cusub oo loo dhisay kaliya Xukuumadda Federaalka waxaana la dhahaa PUTRAJAYA waxaana loo aqoonsaday Caasimadda SIYAASADDA IYO MAAMULKA.

Nuxurka Doodaha Caasimadda:-

Aragtidayda waxaa la isku diidanyahay waa arrimo matalaad iyo yaa xaq u leh in uu wax doorto lana doorto, ma qof baa xaq  leh mise qabiil ! dadka shirkaan u ololeeynaya waxay ku doodayaan in magaalo kasta oo dalka ku taal ay qabiil u oodnatahay, waxay ku darayaan intaas Muqdisho dad ma leh miyaa? Mar hadii magaalooyinka kale ee dalka ay qabiilo sheegteen maxaa Muqdisho u diiday in qabiil sheegto ?

Waxaan sax ahayn in magaalooyin kale xitaa qabiil sheegto, sida dastuurka ku cad qof kasta oo muwaadin ah wuxuu dagi karaa halka uu rabo, wuxuna xaq  u yeelanayaa halka uu daganyahay in laga diiwaan galiyo oo u wax ka dooran karo asagana la dooran karo marka awoodaas aan yeelano oo la sameeyo tirakoob Qaran, Asxaabtana la dhamaystiro lagana gudbo nidaam beeleedka aafeeyay dalka.

Nidaam beeleedka 4.5 waa dulmi saamays badan ku leh arrimaha siyaasadda dalka Heer Degmo, Dowlad- Goboleed iyo Federaal oo MUWAADINKII u qalmay in uu xil qaado wuxuu ku waayayaa nidaamka awood qaybsiga beelaha, oo la yiri waa xal ee xaq ma aha, waxaa dhacaysa in jifooyinka qaar in xitaa hadii la sii wado 100 sano aysan helin matalaad waligood, ma rabo in aan ku sii fogaado dulmiga habkaan oo la isku raacsanyahay, kaliya waxaan jeclaystay in dadka Caasimada dagan aysan u arkin in ay yihiin dulmanayaasha KALIYA oo ku dulman awood qaybsigaan balse uu yahay dulmi baahay oo la gaaray xiligii la soo afjari lahaa.

Gobolka Banaadir ma noqon karaa maamul gobolleed?

Sida Dastuurka ku cad laba gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon karaan Dowlad-Goboleed oo ka mid ah 18 gobol ee 1991 jiray. Gobolka Banaadir ama Magaaladda Muqdisho ma noqon karo Dowlad Goboleed maadaama hal gobol kaliya yahay, balse waxaa u furan in uu ku biirto Dowlad Goboleedyada dariska la ah , Magaaladda Muqdisho waxaa dhistay Soomaali oo dhan lama dafiri karo in beelo loogu yimid waayo meel kasta oo dalka ka mid ah ilaah beelo ayuu ku beeray oo xataa haday dhacdo in lagu heshiiyo in Caasimadda laga raro Muqdisho aan la heli doonin meel beel aysan joogin ama u badnayn, waxaa xusid mudan in beelaha ku badan Muqdisho aad loogu amaano dad soo dhawaynta, ilbaxnimo iyo wada noolaasho leh.

Matalaadda caasimadda

Baarlamaanka ayaa matala shacabka , sida Dastuurka KMG sheegayo waa laba Aqal ama Gole , Golaha Shacabka (275 ) wuxuu matalaa shacabka waxaana laga soo doortaa xubnihiisa deegaan-doorasho ( constituent ) iyo Golaha Wakiiladda Dowlad ( 54 ) Goboleedyada asagana wxuu matalaa shacabka Dowlad Goboleedyada  waxaana lagana soo doortaa xubnihiisa Dowlad Goboleedyadaas. Hadaba Cabashada ugu badan waxeey ka timaadaa matalaad la,aanta Caasimadda ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedyada maadaama Gobolka Banaadir uusan ahayn Dowlad Goboleed in kasta oo xitaa  ku dulmanyahay Goloha Shacabka oo kaliya 6 xbnood ku leeyahay ayadoo aan ognahay in uu ka dad yarayn Dowlad Goboleedyada haduusan ba ka badnayn.

Halka sartu ka qurnsantahay waa nidaa beeleedka 4.5 ama xitaa dheh 5 , waxaa loo baahan yahay in laga gudbo nidaam beeleedka markaas cadaalad ayaa imaan doonta , qof kasta oo MWAADIN ah wuxuu heli doonaa fursad la ,id ah kan kale ( equal opportunity ) uu siyaasadda uga qayb galo ayadoon la faquuqin, dhibka Gobolka Banaadir wuu ka CULUS yahay Deegaan ama Beelo waa Arrin MASIIRI ah waana Qodob Dastuuri ah oo ku jira dib  eegista Dastuurka ku socota, sidaa awgeed go,aan kama gaari karaan koox ama deegaan gooni ah.

Gunaanad

Gun iyo gabagabo, hadii shirkara loo madalsanyahay 28 bishaan uu yahay ajandaha looga hadlayo Nabadgalyada iyo hormarinta adeegyada iyo cabashada bulshada waa arrin loo baahanyahay oo waliba ka soo daahay xilligiisii balse haduu ujeedku yahay in go,aan looga gaaro maqaamka caasimadda waa arrin baal marsan Dastuurka.Arrinka la xiriira maqaamka ugu haboon ee Caasimadda waxaan soo jeedin lahaa in la qaato Maqaamka Caasimadda ee Qaabka WASHINGTON DC oo kale waayo waa habka ugu dhaw oo Soomaali ku heshiin karto, dadka Caasimadda dagan dantoodu ku jirto waayo hadii maanta laga rarao Caasimadda waxa ay waayi doonaan danahaas, waxaana la heli doonaa Dowlad-Goboleedyo ku deeqa dhul laga dhigo Caasimad.

W/Q: Cabdiraxmaan Ciisa,

Si looga daabaco fikradahaaga Goobjoog News, fadlan ku soo dir: info@goobjoog.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW