U bood dhigaalka

Shirka Wasaaradaha Macdanta iyo Biyaha Dowladaha Jamaacadda Carabta oo Ka Furmay Ciraaq

Sheeko:Caalamka
Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ku aadan maareynta iyo ka faa’iideysiga biyaha iyo kheyraadka
Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha, waxaana lagu wadaa wasiirka inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale duwan ee ka qeyb galaysa shirka ka dhacay Ciraaq.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray horumarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo baxay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada.
Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasiirka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Tamaam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga. labada dhinac.
Goobjoog News