U bood dhigaalka

Shirka Wasiirrada Arrimaha Ee Jaamacadda Carabta oo Ka Dhacay Magaalada New York

Sheeko:Caalamka

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa ka qeyb galay shir wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dhismaha safaaradda Libya ee magaalada New York.

Kulanka ayaa waxaa  gudoomineysey guddoomiyaha xilligan ee ururka Jaamacadda Carabta haweeneyda lagu magacaabo Najla Mohammed El Mangoush oo dhalatay Libya. Shirkaan ayaa lagaga hadlay arrimaha sida gaarka ah u khuseeya waddamada Carabta iyo sidii si wadajir iyo walaalnimo ah la isaga kaashan lahaa.

Shirkaan oo jawi wanaagsan kusoo dhammaaday ayaa Wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya waxaa uu si gaar ah ula kulmay Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta Najla Mangoush, ayagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ahaa.

Wasiirka iyo guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Carabta ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa waxaa ay isku afgarteen in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka Liibiya iyo sidoo kale xaaladaha shaqo ee safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Dalka Liibiya.

Goobjoog News