U bood dhigaalka

Shirkadda BURN Oo Somalia Ka Hirgelineysa Mashruuc Cunto Karis Wanaagsan

Sheeko:Baarlamaanka

Shirka la tashiga daneeyayaasha maxaliga ah ee heerka waxqabadka hufan ee karboonka iyo karinta cuntada wanaagsan ee nadiifta ah sida ay ugu suurtoobi lahayd qoysaskeena ku nool Somalia.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Shirkada wax –soo-saarka ee BURN, waxay hirgalin doontaa mashruuca wax qabadka ee kaarboonka oo loo yaqaan (VPA1) mashruucani wuxuu ku sahabsan yahay sida uu qoys walba oo Somalia ku nool ugu suurtoobi lahayd cunto karis wanaagsan oo nadiif ah, waxay shirkada BURN fulinaysaa barnaamijka tayadiisu sarayso ee loo yaqaano Dahab, kaasoo heerkiisa wax qabad uu aad u sareeyo ‘ECOA_BURN. Barnaamijka wax kariska cuntada wanaagsan ee nadiifta ah oo ay hada shirkada BURN ka fulinayso wadamo badan ayaa loo yaqaanaa (PoA) waxaana mashruucan iska leh si khaas ahna u maamusha shirkada wax-soo-saarka ee BURN. Sidaa daraadeed waxay shirkada BURN ay u qabanaysaa shir daneeyayaasha mashruucan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha dawlada Somaliland gaar ahaan wasaarada deegaanka, haayadaha hoos yimaada qaramada midoobey, ururada aan dawliga ahayn, ururada haweenka ,machadyadaa cilmi baadhista iyo dadka deegaanka ah ee ay si toos ah ama si dadban uu mashruucani u saamaynayo.

Shirkada wax-soo-saarka ee BURN, (isku-duwidda iyo maaraynta hay’adda PoA) waxay ku martiqaadaysaa daneeyayaasha maxaliga ah in ay ka soo qayb galaan mid ka mida ah shirarka wada tashiga ee la qaban doono wakhtiyada soo socda.

October 22-2020, 8:30 am to 13:00 Pm in Mogadishu

Maida hotel

Xamarweyne, Mogadishu

(+252) 616 272 236

Mudanayaasha iyo Marwooyinka daneeyayaasha ah ee aan ka soo qayb gali Karin kulankan waxay fursad u leeyihiin inay uga soo qayb galaan khadka tooska ah ee loo yaqaan ZOOM.

Faahfaahinta galitaanka khadka ZOOM. Waa kuwan hoos ku xusan.

October 22nd

Meeting ID: 884 9358 0826

Link://us02web.zoom.us/meeting/register/tZwpfuqtpjsiGNJCRiq6LYLnuZqiS8-KKptJ

Hadii aad u baahato faahfaahin dheeraada ah oo ku sahabsan macluumaadka kulanka wada tashiga fadlan u qor Email lucie millard oo ah agaasimaha istarajiyada is balaarinta ee shirkada BURN([email protected])Ama wac Mohammed Adam agaasimaha shirkada BURN ee degaanka soomaalida(+252 633 065 733).

Mudanayaal iyo Marwooyin hadii aydiin suurtoobi waydo ka soo qayb galka shirka waxaad nagala soo xidhiidhaan ciwaanadan kor ku xusan.