U bood dhigaalka

Shirkii Baarlamaanka Federaalka oo Kooram La’aan u Baaqday

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho lagu kala dareeray ka dib markii loo waayay kooramkii shirku ku furmi lahaa.

Kulanka baarlamaanka ayaa ahaa mid degdeg ah oo ay codsadeen 53 xildhibaan iyagoo doonayay in laga wada hadlo xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maxkamadda sare Caydiid Ilkaxanaf.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay golaha ayaa yiri:

“Shirkii degdegga ahaa ee 53 xildhibaan ay naga dalbadeen kooramkii waa u buuxsami waayay waxaa goobjoog ah 121 xildhibaan, sidaa daraadeed nooma suurto galeyso inaan shirkii furo, hase yeeshee waxaan ajandaha idiin soo dirayaa maalinta Sabtida ah”.

Si kastaba, baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo aaddan ay ka wada hadlaan xil ka qaadista Ilka xanaf, iyadoo aan la ogeyn ula jeedada dhabta ah ee xubnahan iyo inay taageersan yihiin xilka qaadista iyo in kale.

Goobjoog News