U bood dhigaalka

Shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta Oo Ay Maanta Horyaallaan Qodobbo Xasaasi ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirka madaxda baarlamaannada Carabta uga socda xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira ee caasimadda waddanka Masar.

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah, waxaana ka qeyb galaya 17 guddoomiye baarlamaan iyo xubno baarlamaani ah oo iyaga la socda, waxaana halku dhag u ah “Aragtida baarlamaanka ee sida loo waajihi karo dhibaatooyinka cusub ee Carab hor yaalla”.

Guddoomiye Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirka ugana mahad celiyey dowladda iyo shacabka Masar iyo jaamacadda carabta, waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay xilligan leedahay iskaashi iyo wax wada qabsi ku dheehan isku duubni iyo is jeceyl ay ku wada howlgalaan baarlamaannada carabta waxaana uu dhanka kale ku booriyey iney ka qeyb qaataan maalgashiga xilligan dunidu ku sameyneyso Soomaaliya oo hadda ku taagan wadadii hormarka.

Shirka ayaa maanta ah mid albaabadu u xiran yahay iyadoo xoogga lagu saarayo laba arrimood oo kala ah ; 1. Aragtida baarlamaanada ee istiraatiijiyadda Carabta ee Horumarinta wakhtiga dheer. 2. Illaalinta ammaanka qaranka ee Carabtu ku mideysan tahay iyo sidii loola dagaalami lahaa awoodaha xagjirka iyo argagixisada.

Ugu dambeyn shirka ayaa maanta lagu soo gabagabeyn doonaa magaalada Qaahira iyadoo la filayo in shirka laga soo saaro war murtiyeed wax tar u leh dhammaan waddamada Carabta.