U bood dhigaalka

Siciid Deni : Waxaan Ahay Musharax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe waxaa uu kulan kula qaatay xildhibaannada labada aqal Puntland ku matalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka labadiisa gole, xili uu soo baxay war sheegay inuu madaxweyne Deni uu u sharaxan yaay madaxweynaha dowladda federalka oo dhowaan la doorayo.

Qoraal uu baraha bulshada uusoo galiyey Afhayeen madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayuu waxaa uu ku sheegay inuu Siciid Deni uu yahay musharrax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wararku ay intaas ku darayaan inuu kulanka maanta uu la qaatay xildhibaannada laga soo doortay Puntland uu ku qotomay musharaxnimadiisa.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri jaamac Jaamac Dabaari, tii oo ay jirto in madaxweyne Deni muddooyinkii dambe lasheegayey inuu yahay Musharrax madaxweyne.

Madaxweyne Deni ayaa doorashadii labada gole ee Baalamaanka laga soo doortay deegaannada Punland, waxaa kasoo baxay xildhibaanno iyo Senatorro aad ugu dhowaa siyaasad ahaan, waxaana kuraas inta badan ka waayey shakhsiyaadkii ka aragti duwanaa madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni, waxaana uu maanta kadib uu yahay musharrax u taagan Madaxweynaha dalka

Goobjoog News