U bood dhigaalka

Sidee Ayey u Dhacday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa hadda soo gabagabowday doorashada guddoonka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55, halka ninka la tartamay uu helay 18 cod, waa uun guddoomiyihii hore oo soo noqday mar kale.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu  codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM.

Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota,

Goobjoog News