U bood dhigaalka

Siidii: Ciidanka dowladda waxa ay ku wajahanyihiin Buulo-mareer iyo Baraawe

Sheeko:War
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan oo ku jihaysan degmooyinka ka maqan gacanta dowladda ee gobolka SHabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha maamulka gobolka SHabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Siidii ” oo taleefoonka ugu waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaq ka wadaan duleedka degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa xusay in weerarku uu ku wajahan yahay deegaanada Kurtunwaarey,Buulo-mareer,Baraawe iyo deegaano kale oo ay ganacta ku hayaan xarakada Al-Shabaab.

“Al-shabaab waxa ay hore u gubeen suuqa ganacsiga Qoryooley, iyaga oo si dhuumaalaysi ah ku soo galay, kadibna ku laabtay meeshii ay ka yimaadeen, marka ciidanka xoogga dalka waxa ay isku diyaarinayaan sidii ay u soo  af jari lahaayeen.” Ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Al-shabaab ayaa ka arimisa deegaano hoos yimaada gobolka SHabeelaha Hoose oo ay ugu weyntahay degmada Baraawe.