Siyaasaddii Reer Galbeedka ee Suuriya oo Isbadashay Kadib Heshiiskii Nuyuukleerka ee Iran

Tan iyo intii dhawaan la saxiixay heshiiskii hubka Nuyuukleerka ee Iran iyo Reer Galbeedka, xalna laga gaaray murankii muddada aadka u dheer taagnaa, ayaa waxaa soo baxaya ifafaalooyin muujinaya isabadalo dhanka siyaasadda reer galbeedka ee dalka Suuriya oo iyagu olog la ah dalka Iran.

Dalka Iran Dowlad oo kaliya maaha ee waa xulafo is wadata oo dhamays tiran, Suuriyana waxay ku jirtaa xulafada ugu dhaw ee dowladda Iran ay leedahay, kadib markii ay ka baxday waa Irane Cunaqabatayntii Maraykanka iyo reer galbeedka waxaa iska caadi ah in Suuriyana ay ka baxayso caqabadaha siyaasadeed ee hadda iyo go’doominta ay ku jirto, inagoo og waliba in Suuriya muddo badan usoo dhabar adaygtay dhibaatada ay kala kulantay xulafada ay Iran kula jirto marar badanna la isku dayay in xulafadaa laga soo saaro iyadoo loo ballan qaadayo wax kasta oo ay ku qanci karto , waxaana uu dalka Suuriya illaa iyo hadda ka soda dagaal sii huraya muddo afarsanno ahna ka socday dalkaas , dagaalkaa waxaa laga dhaxlay Xulafaysigii Iran .

Hadaba wasiirka arimaha dibadda ee wadanka ingiriiska Philip Hammond ayaa maalintii shalay u sheegay baarlamaanka dalka ingiriiska hadalkan uu kaga hadlayo aragtidooda ku wajahan Suuriya “Madoonayno inaan ridno Haykalka Dowladeed ee uu hogaaminayo madaxweyne Bishaar Al-asad, natiijooyinkii aan doonaynay lama gaari karo haddii dowlad oo dhani burburto, natiijadaan doonayno waa in la helo isbadal siyaasadeed oo nidaamka gudihiisa ah iyadoo la ilaalinayo aasaaska dowladnimo iyo in la sameeyo siyaasad sharci ah oo ay hogaaminayaan koox dhexdhexaad ah” waxaa kaluu aad u adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la iska ilaaliyo khaladkii loogu duuuley Liibiya iyo Ciraaq oo mar kale lagu dhaco .

Qofka fahamsan xiriirka Istiraatiijiyadeed ee Maraykanka iyo Ingiriiska waxa uu isla markiiba fahmayaa in wasiirka arimaha dibadda ingiiriisku hadalkan iska oran , waxaana la leeyahay waxaa jira iska war hayn hayn siyaasadeed labada dal maraykanka Ingriiska oo iyagu xulufo ku ah siyaasadda adduunka , waxaana la aamini karaa inay hadalkaa ka wada socdaan oo ay isku ra’yi ka wada yihiin arimaha Suuriya .

Haddaba isbadalkan cusub ee lahjadda dublamaasiyadeed waxay u muuqataa in yahay isbadal soo fool leh , isbadalkaa oo reer galbeedku ka damacsan yahay wadanka Suuriya kana badalan siyaasadihii hore ee lagula dhaqmayay wadankaas.

Dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa biloowdey biloowgii sanadkii 2011-kii kadib kacdoon ay sameeyeen shacabka dalkaasi oo ay kaga soo horjeedaan xukunka madaxweyne Bashaar Al-Asad oo isagu aabihiis ka dhaxlay madaxtinimada, kacdoonkii ayaa markii dambe isku badalay mid hubeysan, taasina waxa ay horseedey in gabi ahaanba uu dalka dagaalo galo, inta badana gacanta dowladda uu ka boxo dalka.

Dad lagu qiyaasay rubuc malyuun qof ayaa dagaalada ku dhintey, kuwa intaasi aad oga badana waa ay ka qaxeen dalka, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dhacay xad gudubyadii ugu waaweynaa ee xuquuqda aadanaha.

Kadib waxaa lasoo jeediyey in caalamka farogalin uu ku sameeyo, iyada oo mar qarka loo fuuley in Maraykanka iyo xulufadiisa ay weeraro xagga cirka ah xukunka uga tuuraan Bashaar, balse waxaa is hortaagay Ruushka oo codka Fiitaha isticmaalay.

Hadase waxaa muuqata in aragtidii reer galbeedka is badashay, waxaana ugu wacan heshiiska Iran iyo waliba kooxaha xagga jira ee dalkaasi ka dilaacay sida Daacish oo kale oo iyadu ka talisa kala bar in ka badan dalkaasi.

Tani ma ahan arrin ay ku farxayaan dalal badan oo Bariga Dhexe oo horey saaxiibo dhow ula ahaa Maraykanka waxaana ka mid ah Sucuudiga oo isagu laftiisa bilaabay in uu la falgalo xaqiiqooyinka cusub ee soo kordhey.

Isbaladala uu samaynayo Sucuudiga waxaa ka mid ah in uu bilaabay barnaamijka bacriminta maadada Uraniyuumka ee laga sameeyo hubka halista ah ee Nuyuukleerka, iyada oo ujeedka uu yahay in marka ugu dambeysa uu helo hubkaasi.

Haddaan taariikhda in yar dib u noqono , markii ay dowladda Hindia samaysatay hubka Nuclearka ayaa waxaa dhacday si lama filaan ah in dowladda Pakistan iyaduna ay samaysatay hubka Nuclearka arinkaas oo caalamkii oo dhan lama filaan ku noqoday.

Waxaa la ogaa in dowladda Pakistan damaceedu ahayn in ay yeelato hubkaa halista ah ee wax gumaada , laakiin wax yar un kadib waxaa caalamku ku baraarugay iyadoo haysata hubka Nuclearka, waxaana arinkaa sababay kadib markii ay khatar dareentay Dowladda Pakistan ku soo waajahan wadankeeda.

Waxaa la gayaabaa in Sucuudiguna sidaas oo kale sameeyo oo uu lama filaan uga dhigo caalamka oo dhan inuu yeesho hubka Nuglearka.

Khubaro badan oo ka tirsan wadanka isra’il ayaa waxay ka digayaa inaan la dhayalsan arimaha istiraatiijiyadeed ee kasoo waajahan wadanka Sucuudiga, waxayna ku taliyeen in isha lagu hayo , kadib heshiiskii Iran iyo dowladaha 5+1, waxayna khubaradaasi kusii dareen in Sucuudigu samayn karo tallaabooyin lidi ku ah maslaxadda Isra’iil.

Waxay tiri Drs Michal Yaari ahna khabiir ku takhasusay arimaha Sucuudiga , Sucuudigu waxa uu noqonayaa dowladda ugu horaysa ee gobolka samayn doontana dadaal ku aadan sidii ay ku yeelan lahayd hubka Nuclearka si ay u ilaasiyo in nidaamku aanuu jilcin waa kan boqor tooyadee, kaas oo la filayo inay khatarro soo waajahaan kadib xiriirka wanaagsan ee la filayo in uu dhex maro Washington iyo Tehran.

Israa’iil lafteeda ayaa la aaminsanyahay in ay heysato hubka Nuyuukleerka balse uu yahay mid qarsoodi ah, una ogolyihiin dowladaha reer galbeedka.

Hubkanina waxa uu noqdey maado lagu gorgortamo dublamaasiyadda adduunka iyo xiriirada ku salaysan danaha iyo awoodaha qarsoon iyo kuwa muuqda.

Laakiin su’aasha hadda taagan ayaa ah halka ay wax ku dambeyn doonaan gobolka Bariga Dhexe oo haddaba xaalkiisa uu yahay Bariga Dhexe?

W/D : Khadar Xuseen iyo Cabdinaasir Saxansoxo

Goobjoog News

 

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW