U bood dhigaalka

Siyaasi U Dhashay Kuuriyada Waqooy Oo U Baxsaday Kuuriyada Koonfureed

Sheeko:Caalamka

Diblumaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa u baxsaday dhinaca Kuuriyada Koonfureed, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

Ryu Hyun-woo oo ahaa kusimaha safiirka Kuuriyada Waqooyi ee Kuwait ayaa la rumeysan yahay in uu la baxsaday qoyskiisa bishii September ee sanadkii 2019-kii, sida ay ku warrantay warbaahinta Maeil business daily.

Wararka waxay sheegayaan in sababta uu baxsaday ay tahay sidii uu nolol wanaagsan ugu raadin lahaa carruurtiisa. Saraakiisha Kuuriyada Koofureed waxay diideen inay ka hadlaan warka ku saabsan sarkaalkaas.