U bood dhigaalka

Socdaalkii Buugga

Sheeko:Waxbarashada
Socdaalkii Buugga Maxamed oo ay da’diisu tahay 12 sano, wuxuu ku mashquulsan yahay buuggiisa Ingiriiska Heerka Labaad. Wuxuu ku fooggan yahay oo diirrada saarayaa tuducyada sheekada si uu uga jawaabo su’aalaha ku qoran bogga xiga.
Buugaagta saaran miisaska arday kasta oo ay isku fasal yihiin, waxay muujinaysa aqoonta ay u oomman yihiin ee ay rabaan in ay heer ka gaaraan. Buugaagtaan — oo ka kooban Xisaab, Saynis, Soomaali, Carabi iyo Ingiriis — waxay aasaas u yihiin Bar ama Baro oo ah barnaamijka waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga.
Mid kasta wuxuu qaatay waqti dheer oo ka soo bilowday diyaarin iyo daabacaad loo sameeyay ardayda iyo macallimiinta ku nool magaalooyinka, xarumaha barakacayaasha, iyo iskuullada ku yaalla miyiga. Waxaa la gaarsiiyay illaa31 degmo oo ka tirsan 4 Dawlad Goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Banadir.
Barnaamijka Bar ama Baro ee ay Maalgeliso Wakaaladda Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) waxay wada shaqeyn fulineed kala dhexeysaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dawlad Goboleedyada si fursado cusub loogu abuuro Maxamed iyo in ka badan 100,000 oo carruur Soomaaliyeed ah.
Bar ama Baro, marka laga soo tago dedaallada ay Wasaaraddu ku ballaarinayso waxbarashada asaasiga ah, wuxuu u oggolaanayaa carruurta aan fursadda u helin waxbarashada iyo dhallinyaradu inay ku dhammeystaan waxbarashada hoose ee siddeeda (???? sano ah, muddo afar (4) sano ah, ayna u oggolaato inay u gudbaan nidaam waxbarasho oo rasmi ah.
Tani waxay u baahan tahay buugaag waxbarasho oo tayo leh oo taageeri kara waxbarashada degdegga ah. Qorista buugaag waxbarasho oo saameyn leh Kahor inta aan buug waxbarasho la siin ardayda, waxay u baahan tahay in la helo koox qoreyaal ah oo u beddela manhajka mid la dabaqi karo, ayna ardaydu la falgeli karaan.
Bar ama Baro waxa ay heshiis la gashay Madbacadda Beder oo ah shirkad Soomaaliyeed, sidoo kale na ku tababartay waxyaalaha ay gaarka la tahay waxbarashada asaasiga ee degdegga ah, iyo sidii loo horumarin lahaa hab qorista buugaagta waxbarashada.
Barnaamijku wuxuu bixiyey dadaal iyo taageero dhan kasta ah, isla markaana joogto ah, sidoo kale na dib-u-eegis ku sameeyay manhajka waxbarashada asaasiga degdegga ah, baaxaddiisa, heerkiisa iyo buugaagtawaxbarashada iyo ugu dambeyn, isticmaalka buugga hagaha macallinka oo ay horumarinayso Beder.
“ Hannaanka qorista buugaagta waxbarashadu waxay martay hab adag oo lagu hubiyay, oo ay ka shaqeeyeen, dib-u-eegisna ku sameeyeen khubaro Soomaali ah si loo hubiyo tayadooda, ayadoo la qaatay dhammaan talooyinka khuburada.’’ Ayuu yiri kormeeraha waaxda qorista Beder, Aaden Cabdullaahi, Ph.D.
Isu keenidda khubaro ku taqasusay maadooyinka si ay dib-u-eegis iyo naqshadayn u sameeyaan Cutubyada buugga waxbarashadu waxay soo mareen heerarkala duwan oo dib-u-eegis ah si loo ogaado meelaha kala duwan ee khibradda laga heli karo, loona horumariyo tayada buugaagta waxbarashada, ayadoo ay kasoo bilaabatay Kormeeraha Beder, kooxda farsamada ee Bar ama Baro, kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada iyo ugu dambeyn USAID Marka xigta, buugaagta waxaa loo bandhigay bahda waxbarashada y oo ka kala socotay Wasaaradaha Waxbarashada Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed, Dalladaha Waxbarashada, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo khuburo Soomaaliyeed si loo helo tlooyinkooda ku aaddan dib-u-eegista lagu sameeyay buugaagta manhajka WAD.
“ Aad ayay muhiim u ahayd in dad kala duwan laga keeno bahda waxbarashada qeybahooda kala duwan si ay ugu lug lahaadaan dib-u-eegista iyo hannaanka la socodka buugaagta.’’ Ayuu yiri, Aamin Mukhtaar Axmed, Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarshada ee Hirshabeelle. “ Natiijadeennu waxay xaqiijisay in manhajku yahay mid la isku halleyn karo, waxtar leh oo loo siman yahay.” U beddelidda manhajka, buug Beder waxay u daabacday in ka badan haaf malyan buugaag ah, arday ka badan 100,000.
“ Waan ku faraxsanayn, waxayna na siisay dareen weyn oo lagu faani karo inaan markii ugu horreysay gacanta ku hayno buugaag.’’ Ayuu yiri, Maxamed Xassan Mukhtaar, Agaasimaha Waaxda Manhajka ee Wasaaradda. “Waxay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaaray dadaalladayadii aan ku ballaarinaynay helitaanka waxbarashada carruurta iyo dhallinyarada aan dugsiga dhigan.’’
Gaarsiinta buugaagta si kasta oo macquul ah Tillaabada ugu dambeysa waa in ay ardaydu gacanta ku dhigaan buugaagta. Inkastoo ay gaarsiinta bugaagtu ay aad u fududahay marka la joogo magaalada Muqdisho, barnaamijku wuxuu diiradda saaray in buugaagta la gaarsiiyo miyiga iyo meelaha ay adag tahay in la gaaro.
Helitaanka buugaag waxbarasho ayaa wax weyn ka beddelay nolosha Maxamed. Wuxuu si fudud u xasuustaa wax kasta oo uu macallinku yiri inta fasalka lagu jiro, wuxuuna sidoo kale xalliyaa leyliska loo diro, taas oo sare u qaadday fahankiisa iyo heerkiisa waxbarasho.
 W/Q/ Cali Nuur