Somaliland: Caawimaadda Qaxootiga kasoo Noqday Dalka Yemen oo ay iska Kaashanayaan Saddex Hay’adood oo Caalami ah

Magaalada Berbera ayaa waxaa laga furay xarun lagu kaalmaynayo dadka Soomaalida iyo Anaajinbta kale iskugu jira ee ka soo barakacay dagalada dalka Yeman ka socda kuwaasi oo ku dhawaad laba sanno magaalada Berbera soo gaarayay.
Xaruntan oo lagu magacaabo Xarunta caawinaada muhaajiriinta ka soo noqtay Yeman ayaa waxa iska kaashanaya saddex hay’adood oo kala ah UNHCR ‘ IOM iyo hay’ad lagu magacaabo Markaz Bin-Sulaymaan oo dalka Sacuudiga laga leeyahay .
Dadkan ayaa xuruntu u fidineysaa caawimaad iskugu jirta lacageed, adeegyo caafimaad iyo in dadkaasi la gaarsiiyo deegaanadii ay u socdeen kuwa raba inay gudaha Somaliland degaanna la siiyo meel ay ku noolaadaan intii muddo ah.
Madaxa hay’adda Markaz Bin Suleymaan Haashimi Abdo oo u hadlay hay’adahan iskaashanaya ayaa sheegay inay bilaabeen gacan siinta dadkan dhibaataysan , waxaanu ku tilmaamay shaqo ay horeba waajib u ahayd in la qabto, “ Qofka qaxoontiga ahi isaga ugu baahi badan aadmi , waad arkaysaan dadkani waxay ku soo beegmaan Berbera oo aad ogtahay Kuleylkeeda , iyaga oo ka soo orday dagaallo, haddii wax la’aanina u raacdo nolol dadkaasi waa u dhammaatay “ ayuu yiri Haashimi.
Hay’addahan oo hadda gargaarkoodii ugu horreeyay u qaybiyey 20 qoys oo Soomaali iyo Yemeniyiin iskugu jira oo qaarkood labadii maalmood ee la soo dhaafay soo gaaray Berbera ayaa waxay u badan yihiin haween iyo caruur. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamed Cismaan Xaaji ayaa sheegay inay Somaliland iyaduna doorkeeda ka qaadan doonto samafalka ee dadkaasi la siinayo waxaanu hay’addahan ku amaanay shaqadan u qabanayana dadka dagaaladu ka soo barakiciyeen guryahoodii dalka Yemen.
Laga soo bilaabo intii ay dagaaladu ka bilowdeen dalka Yeman bilawgii sannadkii hore ee 2015 waxa dagaaladasi ka soo cararay Soomaali badan oo qaarkood sannado badan ku noolaayeen Yemen waxayna dadkaasi badankoodu ka soo dageen magaalooyinka Berbera Iyo Bosaaso.
Goobjoog News