U bood dhigaalka

Somaliland: Ucid iyo Wadani oo Kasoo Horjeestay Guddiga Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Wadani  ayaa qoraal ay  soo saareen uga soo horjeestay guddiga doorashada Somaliland kaas oo maanta qaar ka mid ah ay ansixiyeen golaha wakiilada.

Haddaba, Halkan ka Akhriso

MAWQIFKA RASMIGA AH EE LABADA XISBI MUCAARAD UCID IYO WADDANI.

Ugu horreyn waxa aanu shacabka Somaliland ee sharafta leh u sheegaynaa annaga oo ka xun in hannaankii geedi-socodka dimuquraadiyadda ee Somaliland oo ahaa mid ku salaysan dastuurka isla markaana bulshada Somaliland u soo martay dariiq dheer oo ay ku baxday wakhti iyo hanti umadeedba, si loo helo doorasho xor ah oo xalaal ah oo ku fadhida hal cod iyo hal qof in xukumadda KULMIYE ay god dheer ku ridday gacantoodana ku gawracday.

Sidaa darted, waxa ay labada xisbi mucaarad, ee UCID iyo WADDANI cadaynayaan in Komishinkii doorashooyinka qaranka ee la sugayay laga duway shuruucda dalka iyo shuruudihii uu xeerku u dhigay xulista iyo ansixinta xubnaha komishinka doorashooyinka qaranka, taas oo meesha ka saartay dhex-dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaq-soori lahaayeen.

Haddaba kadib Markii ay labada xisbi u caddaatay in xukuumadda KULMIYE ay baal martay heshiiskii saddexda xisbi qaran ku galeen madaxtooyada ee beesha caalamkuna ku dhexjoogtay, isla markaana ay caddaatay in Golihii Wakiiladda laga dhigay saylad, isla markaana hantidii umadda loo adeegsaday danaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Markii labada xisbi mucaarad ku qanceen in Madaxweynuhu uu burburiyay doorashooyinkii iyo dimuquraadiyadii dalkan ka hana qaaday ee Somaliland ku soo caano maashay, isla markaana uu caddaystay nidaam kelitalisnimo.

Waxa ay labada Xisbi qaadeceen wadashaqaynta xubnaha lagu sheegay Komishinka ee lagu keenay sifada jujuubka ah, kaas oo loo maray dariiq sharciga baal marsan.

Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaaladda uu dalk marayo qaranka Somaliland oo masiirkiisu uu gebi ka laalaado.

Goobjoog News