U bood dhigaalka

Soo Xirista Shirka Mushrraxiinta oo Dib U Dhacay iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Ku Biiray

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ku biiray shirka wadatashiga Musharaxiinta oo maalintii seddexaad ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la sugayaa xubno kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha ayaa waxaa la sheegayaa in ay wehlinayaan siyaasiyiin ka soo heeda Somaliland,sida  X/W Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale. waxana si weyn loogu soo dhoweeyey hoolka ay ku shirayaan Musharaxiinta,

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horay waxaa uu uga gadooday guddiga ay xukuumadda federaalka u magacowday maamulitaanka doorashada Xildhibaannada Somaliland, waxaana uu  magacaabay guddi kale oo ku lid ah kii hore.

Dhanka kale warar ay Goobjoog News ay ka heshay shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka oo lagu ballamay in maanta lasoo gabababeeyo lagu daray maalin dheeri ah waxaana la soo xiri doonaa maalinta barri oo Talaado ah.

Shirka Musharaxiinta oo galay maalintiisii seddexaad ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan midog gole ay ku midaysan yihiin musharaxiinta iyo War-murtiyeen, kaas oo saameyn ku yeelan doorashada soo aadan ee 2021-ka.Image may contain: 1 person, standing, beard and suit

Image may contain: 1 person, beard and indoor

Goobjoog News