U bood dhigaalka

Soomaali Ka Qaxday Dagaalka Sudan oo Gaartay Sudanta Koonfureed

Sheeko:Caalamka

Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada Milatariga iyo xoogagga kasoo horjeeda oo asbuucii labaad galay ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Soomaalida ku dhqan dalkaasi iyo sidoo kale dadka ajaanibta ah, waxaana ay bilaabeen in ay u qaxaan Sudanta Koonfureed si ay uga baxsadaan dagaalka ka holcaya Khartoum.

Safriirka Soomaaliya u fadhiya Suudaanta Koofureed, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo BBC-da la hadalay ayaa sheegay   in tiro Soomaali ah oo arday u badan ay soo gaareen magaalada Coast ee dalkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in sidoo kale ay jiraan kuwa ka tallaabay xudaadda dalka Sudan uu la wadaago Masar iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa sheegay dhanka kale in gawaari loo diray dadka Soomaalida ah ee ka soo qaxaya Suudan, iyadoo ay  arrintaas gacan ka geysanayaan ganacsatada Soomaalida ah ee Suudanta Koofureed. Wuxuu sheegay in lagu talo jiro in diyaarado lagu soo daad gureeyay lana keeno magaalada Juba ee caasimadda dalka Koonfurta Sudan.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shalay ku dhawaaqday in ay wadaan dedaallo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Sudan, waxaana Hey’addu sheegtay in muwaadiniinta qaarkood lagu soo celin doono dalka, halka kuwa kalena loo gudbin doono dalalka Masar iyo Itoobiya oo xad wadaag la ah Sudan.

Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain ayaa ka mid ah dalalka kale ee iyaguna billaabaysoo daadgureynta muwaadiniintooda maalintii Axaddii.Tartan awoodeed aad  xun oo u dhexeeya ciidamada milatariga ahkuwa  ciidanka awoodda leh ee gurmadka deg-degga ah ayaa horseeday rabshado dalka oo dhan ah iyo dagaallo.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa hadda xiran, waxaana qoraal la soo dhigay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in dowladdu aysan heysan ammaan ku filneyn si guud ahaan muwaadiniinteeda ay dalkaasi uga soo saaraan, waxaana ay sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu soo celinayo muwaadiniinta u dhalatay Mareykanka.

Dowladda Britain ayaa ku guuleysatay inay diblomaasiyiin dalkaas  u dhashat iyo qoysaskooda ka dhoofiyaan Suudan. Wasiirka arrimaha dibadda James Cleverly ayaa sheegay in qaabka lagu daadgureynayo muwaadiniinta UK ee ku haray Sudaan ay tahay mid aad u xaddidan, kuwaas oo eegi doona xaalada ka jira iyo dagaallada.

Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ayaa ilaa iyo hadda waxaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan 3500 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo ka badan 9000 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa wali soconaya iyadoo usan jirin xal laga gaaray.

Goobjoog News