U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Kala Sixiixday

Sheeko:Caalamka

Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma iskaashiga, xoojinta xiriirka labada dal iyo isdhaafsi dhanka ganacsiga labada dal, kadib safar maanta dalkaas uu ku tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada mas’uul ayaa si weyn uga wada hadlay fudeynta dhanka socdaalka labada dal iyo dowladda Kenya ay dhigeeda ay ka qaadato Malaayga, halka taas badalkeeda dowladda Soomaaliya ay dib u fasaxayso suuqa Qaadka dalka Kenya ee loo soo iib keeno Soomaaliya, kaas oo istaagay xiligii Karoona, waxaana kadib xumaa xiriirka labada dal u dhexeeyay sanadadii tagay.

Dowladda Kenya ayaa xilligii hore Soomaaliya keeni jirtay Qaadka iyadoo taas badelkeeda qaadan jirtay lacag, heshiiskaan ayaa mid lamid ah waxaa dowladdii hore ay la gashay dalka Itoobiya oo Soomaaliya usoo dhoofisa Qaadka, halka badelkiisa dowladda Soomaaliya ay dhankaas u dhoofiso Malaayga laga soo saaro Soomaaliya, waxaana la geeyaa dalka Itoobiya.

 

Goobjoog News