U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Uganda oo Kawada Hadlay Xoojinta iyo Iskaashiga Amniga

Sheeko:Caalamka

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo safar ku jooga Uganda ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaas, Dr. Crispus Kiyonga, iyagoo kawada haday arrimo dhowr ah ku aadan amniga.

Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale safarkiisa Kampala+ ku wehlinayay taliya ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage, kulan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiririirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulanka kadib isaga oo la hadlay warbaahinta qaranka, waxaa uu sheegay inuu shirkaan oo socday laba maalmood uu daba joogo heshiiskii 2016 ee iskaashiga amni ee labada dal.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dowladda Uganda ay tahay dalka ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana mustaqbalka dhow lagu wadaa in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan amniga guud.

Goobjoog News