Soomaaliya: Qiimaha Xajka Oo Sanadkan Laga Dhigay $3,300

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu sheegay in sanadkan qiimaha xajka noqon-doono $3,300(sadex kun, sadex boqol) oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida deegaanka, basaska, nolosha 6da maalmood xajka, viisaha, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.
Dowladda federaalka ah waxa ay sidoo kale ka hadashay in arrintaas ay heshiis kala gashay 5 shirkadood oo kala ah:
- Shirkadda Daalo Airlines
- Shirkadda Jubba Airways
- Shirkadda Ocean Airways
- Shirkadda African Express
- Shirkadda Freedom Airlines
Soo saaridda viisooyinka xajka waxaa mas’uuliyadeeda iska leh wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta iyada oo heshiis arrintaas kala saxiixan doonto shirkadaha
Shirkadaha aaa lagu wargeliyay in ay la soo xiriiraan wasaaradda laga bilaabo 16-5, 2018-21-05-2018, iyada oo ciddii ka dib dhacdo laga qaadan doono go’aan ku haboon.
Goobjoog News