U bood dhigaalka

Sooyaalka Dhismaha iyo Khilaafka Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Wakiilada JubbalandDalka Soomaaliya waxa uu nidaamka federaalka ama daadajinta maamulka qaatay sanaddii 2004-tii xiligaasi, go’aankaasi oo kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Kenya, laguna soo dhisey dowladda uu madaxweyne ka ahaa allaha ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

11 sano kadib waxaa wali lala daalaa dhacayaa sidii ay u dhismi lahaayeen dowlad goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda federaalka ee xiligaasi lagu soo heshiiyey.

Waxaase lagu guuleystey in la dhiso labo maamulo kmg ah iyo Puntland oo iyadu horey usii jirtey.

Dowlad goboleed kasta ayay tahay in uu yeesho gole wakiilo, kaasi oo ah sharci dajin iyo la xisaabtanka dowlad goboleedyada iyo waliba matalaada shacabka ku nool deegaanada uu maamulkaasi ka jiro.

Hadaba maamulka kmg ah ee Jubbaland ayaa noqotey kii ugu horeeyey ee yeeshey gole wakiilo kaasi oo la caleemo saaray 7-dii bishani May, iyada oo xafladdii caleemo saarka uu ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Laakiin dhismaha golaha wakiilada Jubbaland ma ahayn arrin buuq la’aan ku dhacday, illaa markii lasoo bilaabay nidaamka xulista xubnaha aqalka waxaa socdey shoobare siyaasadeed oo markii dambe gaaray baarlamaanka federaalka.

Hadaba waxaan halkan kusoo koobeynaa sooyaalka golaha wakiilada Jubbaland tan iyo maalintii lasoo bilaabay.

Janaayo 20, 2015 – Shirka soo xulista xildhibaanada maamulka KMG ah Jubaland ayaa ka furmay Magaalada Kismaayo.

Maarso 23, 2015: Wasiirka arimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa furay shirka lagu soo xulayo baarlamaanka Maamulka KMG-ka ah ee Jubba, lamana oga doorka ay dowladda federaalka ku leedahay arrintan iyadoo horeba loogu eedeeyay dowlada federaalka inay taageereyso Axmed Madoobe iyo maamulkiisa oo beelo badan ay ka cabanayaan.

Maarso 31, 2015: waxaa soo ifbaxay khilaaf ka jira Baarlamaanka Jubbaland , Meelaha uu khilaafka Barlamanka Juba ka taagan yahay ayaa la sheegay in uu ka mid yahay Gobolka Gedo iyo sidoo kale Magaalooyin ka mid ah Jubada dhexe.

April 11, 2015: Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG Jubbaland Cabdullaahi Fartaag ayaa beeniyay jiritaanka cid ka baxday shirkii ka socday Kismaayo ee lagu soo xulay Xildhibaano uu yeesho Baarlamnaaka Jubbaland.

April 12, 2015: Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dafiray in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ka soconayo shir lagu soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

April 15, 2015: Xildhibaanada Baarlamanka  Jubbaland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, kadib markii lasoo dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaanada ayaa dhammaantood la mariyay dhaar, waxayna kadib gudoomiye ku meel gaar ah udoorteen Sheekh Cabdi Yuusuf oo ahaa shaqsiga ugu da’da weynaa Baarlamaanka Jubaland isla markaasina ka soo jeedo Gobalka Jubada dhexe. Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa uu ka koobanyahay 75 xubnood oo 10 ka mid ah uu soo xuley madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, laguna qanciyey beelo qaarkood oo cabashooyin qabay.

April 18, 2015: Nabadoon Siraad Nuur oo ka mid ah waxgaradka ku sugan degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ka oday dhaqan haan aysan raali ka ahayn dhismaha baarlamaanka cusub ee maamulka Jubba.

Waxa uu sheegay Nabadoonkan in Odayaasha dhaqanka ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo aanay wax shaqo ah ku lahayn qaabka loo sooxulay xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

April 18, 2015: Baarlamaanka Dowlad goboleedka jubbaland oo lagu dhawaaqey labo maalin uun kahor ayaa kalfadhigoodii ugu horeeyey ku yeeshey hoolka shirarka ee madaxtooyada jubbaland kalfadhigaas oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha kumeelgaarka ah mudane Sh.cabdi cali yuusuf oo ah ninka ugu da’da weyn baarlamaanka.

Kalfadhigan oo ahaa kalfadhigii ugu horeeyey abid ee uu yeesho baarlamaanka dowlada jubbaland ee soomaaliya ayaa waxaa xildhibaanada cusub lagu barayey shuruucda xildhibaanimo iyo matalaaada bulshada soo dooratey xildhibaan kasta.

April 22, 2015: Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in hanaankii ugu wanaagsanaa loo dhisay baarlmaanka maamulka Jubba.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay jiraan dad aan u dhalan gobaladaasi oo hadana ku doodaya sida uu sheegay in aysan wax ka helin baarlamaanka maamulka Jubba.

April 27, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhaweynayaa tallaabada lagu dhisay baarlamanka maamulka KMG-ka ah ee Jubba, waana tallaabo horay loo qaaday. tani waxay muujinaysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ah ee dalkeenna,’’ ayuu yiri madaxweynaha.

April 28, 2015: Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa la qabtay, doorashada la qabtay waxaa ku guuleystay, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddiga doorashada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxay ku dhawaaqeen in guddoomiyaha cusub ee la doortay uu helay codadka 45-xildhibaan oo ka mid ahaa 72-kii xildhibaan ee kulanka goob-joogga ka ahaa, iyadoo saddex cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ay hallaabeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaddib markii uu tartan adag la galay dhowr murashax oo isku soo taagay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa isna guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Baaley, inkastoo uu daneynayay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

May 7, 2015: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka arimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhonom, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobey ayaa ka qeyb galay xafladda Caleemo saarka Guddoonka Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland.

May 15, 2015: Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubblanad Suldaan Cabdiqadir Xaaji Lugadheere ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay taageereyso koox uu ku sheegay qaswadayaal. Hadalkani ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii dhawr iyo afartan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay saxiixeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland.

May 18, 2015: Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dooday mooshin ay soo gudbiyeen ilaa 41 Xildhibaan oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubbland iyo sida loo soo xulay, iyada oo xildhibaanadii mooshinka keeney ay sheegey in baarlamaanka uusan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya.

May 19, 2015: Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa kadib dhamaadkii doodii Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubbaland u wacay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Federaalka Cabdiraxman Odowaa si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan arimaha Baarlamaanka Jubbland.

May 20, 2015 : Ugu dambeyntii maanta oo ay ahayd in wasiirka arrimaha gudaha uu hor yimaado baarlamaanka ayaysan taasi dhicin, sidaasi darteed guddoomiyaha baarlamaanka waxa ku dhawaaqay in uu cod galinayo mooshinka, balse waxaa dhacday in kooramka ama tiradii ay ahayd in markaasi ay baarlamaanka fadhido aysan fadhinin oo xildhibaanada intooda badan ay kala tageen, taasina ay diob u dhigtey arrinka mooshinka oo wali taagan.

 Goobjoog News