U bood dhigaalka

Warbixin Gaar Ah: Sooyaalka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya

Sheeko:War

New DealWaa Maxay New Deal ama Hiigsiga Cusub?

Waxaa lagu sheegay “ New Deal for Somalia” ama Hiigsiga Cusub ee 2016-da in ujeedadiisu ay tahay labo arin: In indhaha Beesha caalamka oo lagu soo jeediyo Soomaaliya iyo in la helo lacag lagu maareeyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya oo xiligaas jirtay hal sano.

New Deal waxaa laga keenay xili dalka Mareykanka uu ku jiray dhaqaalo xumo, Madaxweynihii xiligaasi ee Maraykanka Franklin D Roosevelt ayaa hindisey fikraddan si dadka Mareykanka loogu baraarujiyo shaqada iyo horumarka.  Markii dambe, waxaa isla qaabkaas adeegsadey dalalka deeq bixiyaasha ah si loo taageero wadamada saboolka.

Hiigsiga Cusub iyo Beesha Caalamka:

Shirkii ugu horeeyay oo heer sare ah, waxaa markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga sanadii 2002, Waxaa xigay shir lagu qabtay Paris, Caasimada Faransiiska sanadkii 2005, shir kale ayaa lagu qabtay magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana sanadii 2008 iyo ugu dambeyntii magaalada Busan, Koonfurta Kuuriya sanadkii 2011-dii.

Shirkii Busan ee Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa la isku afgartay in kaalmo laga aruuriyo dowladaha iyo hay’adaha lacagta leh si loogu taageero wadamada faqriga ah, ama ay dagaaladu burburiyeen sida Soomaaliya oo kale, iyadoo qaabka loo wajahayo ay tahay in la isku keeno dadka lacagaha bixiya iyo dadka la siinayo oo ayna wada hadlaan.

Shan Waxyaabood Ayaa loogu Talo Galay In Ay Ka dhex Muuqato Hiigsiga Cusub

  1. Lahaanshiyo (ownership): In dowladaha deeq bixiyayaasha ah iyo dawladaha saboolka ah ay degsadaan hadafyo iyo qaabkii ay wax u dhisan lahaayeen.
  2. Iskaashi (alignment): in dhinacyada kala duwan iska kaashadaan hirgelinta hiigsiga.
  3. Heshiisiin (harmonization): in ay jirto qodobo iyo barnaamij cad oo lagu heshiiyay.
  4. Isla xisaabtan (mutual accountability): in deeq bixiyaasha iyo dadka lacagta la siiyey ay wada xisaabtamaan.
  5. Natiijo(results): in Hiigsiga lahaado natiijo ku cad ballamaha la dhigto iyo watiga lagu heshiiyay.

Hadaba iyadoo aragtidaas caalamiga ah ee guud ay jirto ayey dowladda Soomaaliya dhalatay September 2012-kii.

Soomaaliya iyo Heshiiska Hiigsiga Cusub

September 2, 2013: Dowladda Soomaaliya ayaa Shirweyne ku qabatay magaalada Muqdishu, kaas oo ay ka soo qeyb galeen maamulada gobolada dalka, Ergooyin ka socotey gobolada dalka, qurbojoogta, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro badan.

Shirka furitaankiisii waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, hogaamiyaasha diinta, ururada haweenka, dhalinyarada, diblomaasiyiin iyo qurbo joogta Soomaalida. Shirka ayaa looga hadlayaa geediga siyaasadeed ee dowladda federaalka, iyadoo la tiigsanayo sanadka 2016-ka in ay dalka ka dhacaan doorashooyin.

Shirkaas waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee xiligaas Maxamuud Nuur Tarsan, Ergaga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo ahayd Wasaasiradda Arimaha Dibadda, iyo dadka kale oo dhamaantood ka hadlay ahmiyadda Shirka.

Shirweynahaas Qaran ee ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa socdey mudo shan maalin ah iyada oo aan inta uu socday diirada lagu saaray ilaa shan qodob oo taabanay nolosha dadka Soomaaliyeed.

Shanta qodob ee Shirka diirada lagu saarayo ayaa kala ahaa:

  1. Baahinta siyaasada ka qeyb gelinta shacabka ,dhaqan gelinta dibuheshiinta iyo kobcinta cadaalada.
  2. Hormarinta dastuurka iyo dib u eegistiisa
  3. Dibuhabeynta hay’adaha hufnaanta iyo hagaajinta maamulka,
  4. Dhameystirka guddiga doorashooyinka madaxa banaan & qaab sharciyeedka urarada siyaasada,
  5. Qaabka federaalka awood ahaan iyo qeybsiga kheyraadka

Dowlada ayaa kasoo qeybgalayaasha shirka ka dhageeysatay talooyinka iyo aaraada qodobada diirada lagu saaray shirkaas.

September 06, 2013: Waxaa la qabtay munaasabad lagu soo xirey shirweynihii qaran ee geediga siyaasada Soomaaliya, iyo hiigsiga sannadka 2016ka. Munaasabada xiritaanka shirweynaha qaran aya waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ,diblomaasiyiin iyo xubno ka mid ah labada gole.

Qodobadii asaasiga ahaa ee shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa :-

  1. Dib u eegista dastuurka dalka,dhameystirkiisa iyo hirgalintiisa
  2. Noocyada iyo hanaanka federaalka iyo habka loo qeeybsanayo awooda dalka iyo kheeyraadka dalka.
  3. Dib u habbeynta hey’adaha dowlada, hufnaantooda iyo hagaajinta maamulka maaliyadda.

Hiigsiga Cusub : Soomaaliya iyo Beesha Caalamka:

16 September 2013: Magaalaa Brussels ee dalka Biljim waxaa ka furmay shirweyne ay ka soo qeybgaleen ilaa 50 dal iyo hey’ado iyo ururo caalami ah oo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkani loogu magac daray Hiigsiga Cusub.

Shirka ayaa looga hadlay afar arin oo muhiim ahaa: Amniga, Dib u habeynta garsoorka, Maamulka maaliyadda , iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Qodobadani oo la waafajiyey qorshihii ay dowladda Federaalka la tagtay shirka.

Shirkaas waxaa Soomaaliya loogu yaboohay lacag dhan 1.8bn euros ($2.4bn; £1.5bn) , lacagtaasi oo inteeda badan loogu talo galay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dowladeed sida dhismaha hey’adaha dowladda

Lacagtii la yaboohay mala bixiyey?

Markii sedex bilood oo kaliya laga joogey shirkii Brussels waxaa soo baxay cabashooyin dhanka dowladda Federaalka ka imanayay oo ahaa in lacagtii lagu yaboohay aysan hal doolar xitaa kasoo gaarin dowladda.

Wargeyska International Business Times ayaa 26-kii November, 2013-kii soo xigtey Wasiiraddii arrimaha dibada ee xiligaasi Fawsiyo Xaaji Aadan oo sheegeysa in lacagtii dowladda loogu yaboohay aysan weli waxba ka helin.

Hadalka Fawsiyo laga xigtay waxaa ka jawaabay u qeybsanaha horumarinta Midoowga Yurub Andris Piebalgs, wuxuuna sheegey in lacag badan ay ku bixiyeen qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah sida Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo ku baxay dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo waxbarashada, wuxuu intaasi ku daray in iyaga aysan lacag sii marinin dowladda Soomaaliya. Wixii markaasi ka dambeeyey waxay dowladda gashay isbedalo siyaasadeed iyada oo la bedalay xukuumadii hawshaasi la socotey.

Dowladda waxa ay xoog badan saartay dakhliga gudaha kasoo xarooda sida garoonka iyo dekeda iyo canshuuraha beriga, iyada oo la dhimey dadaalkii badnaa ee arrimaha dibada lagu bixinayey. Sidaasi oo ay tahay waxaa la qabtay shirar kala duwan oo dalka gudihiisa ka dhacay oo lagu sharaxayay waxa uu yahay Hiigsiga Cusub iyo sida lagu gaari karo.

Sanad kadib shirkii Brussels waxaa la qorsheeyey shir kale oo ka dhaca Copenhagen kaasi oo hadda furmey, ujeedkiisuna waxaa lagu sheegey in dib u eegis lagu sameynayo waxyaabihii lagu heshiiyey iyo waxyaabihii ka fuley yaboohii la sameeyey.

10-kii November, 2014 : Shir hordhac ah oo loogu tabaabusheysanayo shirkaasi ayaa lagu qabtay Muqdisho , waxaa ka qeybgalay dowladda Federaalka, iyo maamulada kala ah Puntland, Galmudug, maamulka gobolka Benaadir, iyo maamulka Jubba, halka dhinaca kale miiska ay fadhiyeen xubnaha beesha caalamka u matalaya Soomaaliya.

11-kii Nofeember, 2014 : Dowladda Maraykanka ayaa shaacisey in aysan ka qeybgali doonin shirka Copenhagen khilaafka madaxda dowladda dartiis. dowladda Maraykanka oo ka mid ah deeqbixiyaasha ugu waaweynaa ee yaboohii shirkii Brussels ee qabsoomey 16-kii 2013, wuxuu Maraykanka ku yaboohay xiligaa $69 malyuun oo doolar.

11-kii Nofeember, 2014 : Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo war qoraal ah soo saaray maalin kadib shirka ayaa waxa uu sheegey talaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay in la qabto: “Hawlaha loo baahanyahay lixda bilood ee soo socota in la qabto waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta, dowlad-goboleedya mustaqbalka xubnaha ka noqonaya federaalka; iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka” ayuu yiri Kay.

17-kii Nofeember, 2014 : Waxaa magaalada Muqdisho ka duuley wafti balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo ay ka midyihiin wasiiro iyo waftiyo kala matalayey maamul goboleedyada iyo maamulada kale ee dalka ka jira.

19 Nofeember, 2014 : Waxaa furmey shirka dib u eegista Hiigsiga Cusub ee Copenhagen

Sida ay sheegtay dowladda Denmark 400 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu casuumay shirka inay kasoo qeyb galaan, waxaa ka mid noqonaya Dowladda Federaalka, maamulada dalka ka jira, shirakadaha, qurbo joogta iyo bulshada rayidka iyo qeybo kale oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed. Shirkan oo ah mid heer sare ah oo wasiiro , waxaa uu socon doonaa labo maalmood.

Maalinta hore waxaa uu qorshuhu yahay: Soo dhaweynta,  Aragtida sanadka 2016-ka, Amniga iyo xasiloonida, xoojinta isla xisaabtanka maaliyadda, hufnaanta iyo iskaashiga, ,

Khudbadaha furitaanka waxaa jeedinaya gabadha ah Ra’isulwasaaraha Dernmark Helle Thorning-Schidt iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jefrfrey Feltman. Waxaa sidoo kale ka hadli doona xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard.

Waxaa hadalka xiritaanka jeedinaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman iyo wasiirka arrimaha dibada Denmark Mogens Jensen

Maalinta Labaad ee Shirkan waxaa uu qorshuhu yahay:

Nabadda iyo hiigsiyada dhismaha dowladeed 2014-ka iyo 2015-ka, dib u eegiska samofalka, gurmadka, iyo qorshayaasha fog.

Iyada oo uu hadda dalka ka jiro muran siyaasadeed oo weyn, lagana yaabo in bilo dhawr ah qaadato inta laga soo dhisayo xukuumad cusub haddii la rido ra’isulwasaaraha hadda jooga, hawlaha beesha caalamka ay dooneyso in ay ku qabsoonmaan lix bilood  gudahood ayaa u muuqan kara kuwa aanan la haleeli doonin. Markasta oo ay dib u dhacaan bixinta lacagaha lagu yaboohay, waa mar kasta oo ay dib u sii dhacayaan hawlihii la qaban lahaa, tanina waa eed dhankeeda ay beesha caalamka yeelanayso.

Waxaa jira qorshe muddo sannad ah laga shaqeeynayey oo qeexaya sida loo isticmaalayo lacagtii $2.4 bilyan ee doolar ee lagu yaboohay, qorshahaasi wuxuu leeyahay qeybo kala duwan iyo qaabka dalalka deeq bixiyayaasha ahi u kala qeybsadeen bixinta lacagta, laakiin dowladda federaalka iyo Soomaaliya inteeda kale ma jiro qorshe ay ka mideysanyihiin oo la og yahay. Tusaale ahaan Puntland waxa ay gudbisey qorshe shan sano ah oo labo jibaar ka weyn kan dowladda federaalka ay maanka ku hayso.

Maamul goboleedyada sida Galmudug iyo Jubbaland iyo Puntland iyagu waxayba shaki ka qabaan dowladda federaalka iyo sida ay usoo gaarayso lacagta loogu soo dhiibo.

Hadaba Su’aashu waa:

Lacagta la bixiyay waa imisa ilaa hada?

Waa kuwee dalalka bixiyey?

Maxaa lagu qabtay ilaa iyo hada?

Maxaa gaaray maamulada kale ee dalka?

 

Ku Soo Dir Aragtidaada Amaba Xogta Aad Hayso Email-ka ah: [email protected]

Goobjoog News