U bood dhigaalka

Sudan oo Laga Cabsi Qabo Iney Burburto iyo Dagaallo Sokeeye

Sheeko:Caalamka

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga gurmadka degdeg ah ayaa galay todobaadkii Afaraad, iyadoo madaxa Qaramada Midoobay uu ka digay in dalkaasi uu burburayo.

Diyaarado dagaal ayaa lagu waramayaa in ay duqeymo ka geysteen magaalada caasimada ah ee Khartoum inkasta oo mar kale lagu dhawaaqay xabad-joojin socon doonta muddo 72-saacadood ah.

In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay tan iyo markii ay iska-hor-imaadyaddu bilowdeen April 15-dii waxaana guriyahooda uga barakacay tirro ka badan kumanaan ruux oo shacab ah.

Taliyaha ciidamada milatariga, Abdel Fattah al-Burhaan iyo ku xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo, oo taliye u ahaa xoogaga gurmadka degdega ah ee RSF, ayaa ku dagaalamaya cidda awooda qaadaneysa.

Xabbad joojin badan ayay ku heshiiyeen laakiin ma jirto mid dhaqan-gashay iyadoo tirada dadka rayidka ah ee dhintay ay sii kordheyso, qalalaasaha iyo boobka lagu hayo xarumaha danta guud ee Khartoumna ay sii kordhayaan.

Khartuum ayaa ah magaalo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof halkaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku xayiran yihiin guryahooda iyaga oo aan haysan cunto, biyo, iyo koronto.

Tobanaan kun ayaa laga daad-gureeyay gudaha Suudaan ama waxay bilaabeen safarro adag oo ay ku tagayaan dalalka jaarka ah ee Chad, Masar, Koonfurta Suudaan ama Itoobiya si ay uga cararaan dagaallada.

“Xaq uma lihin in lagu dagaalamo awooda dalka marka uu wadanku burburayo” ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u sheegay telefishinka Al-Carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga.

Xabbad-joojintii u dambaysay oo saddexda maalmood ah ayaa la isku raacay Khamiistii ka dib markii ay dhaqan gashay dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen Maraykanka, Sucuudiga, Midowga Afrika iyo QM.

Goobjoog News