U bood dhigaalka

Suudaan: Ciidankeena Waa Darbi, Damac Dhulkanana Nama Haayo

Sheeko:Caalamka

Taliye ku xigeenka ciidanka Suudaan, General Cabdullahi al-Bashir, ayaa ku sheegay khudbad uu ka jeedinayay gobolka Gadaref, oo xuduud la leh Itoobiya, in ciidamada qalabka sida ay sii ahaan doonaan darbi aan laga gudbi karin si loo ilaaliyo amniga dalka iyo ilaalinta dhulkiisa.

“Ma aanan raadineynin inaan la dagaallano deriska, laakiin waxaan dhaxalnay oo aan leenahay soohdimo fac weyn. ” ayuu intaa ku daray.

Al-bashiir oo sii hadlayey ayaa yiri “Uma dulqaadan doonno dilka haweenka iyo carruurta, waxaana leenahay dhul ay Itoobiya gacanta ku hayso, Waxaan ku dadaali doonnaa soo celintiisa, sida lawada ogyahay.

” General Abdullah Al-Bashir wuxuu cadeeyay in hal taako oo ka mid ah mandaqadda Al-Fashaqa aan looga tagin xadka ay la wadaagaan Itoobiya.

Dhanka kale waxaa uu xusay in dalkiisa aanu damceyn dhul kale “Suudaan hunguri kama hayo dhulka iyo kheyraadka kuwa kale, waxayna leenahay awoodo badan oo aan dooneyno inaan ka soo kabano oo aan ugu adeegno dalka.

Xiriirka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya waxaa hareeyay xiisad sii kordheysay toddobaadyadii laso dhaafay taasoo timid kadib weeraradii hubaysnaa ee ka dhacay xuduudaha labada dal, oo ay Khartuum sheegtay in ay fuliyeen maleeshiyooyin Itoobiyaan ah oo ay taageerayaan xoogagga rasmiga ah ee ku sugan dhulka Suudaan, halka Addis Ababa ay beenisay, eedeymaha, iyadoo sheegtay inay baarayaan falalka ay gaystay mid ka mid ah maleshiyaadka maxalliga ahaa ee xaduudka labada dal.

Talaadadii la soo dhaafay, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, wuxuu sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu xaliyo xiisadda, laakiin uu doonayo in Suudaan ay dib ugarsho samayso.