U bood dhigaalka

Syria: 126 Qof Oo Ku Dhimatay Qaraxyo Lala Beegsaday

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 126 qof ayaa ku dhimatay oo 68 ay yihiin caruur baabuur basas ah oo waday dad laga daad gureynaayay xaafado kamida galbeedka mgaalalda Xalab ee waddanka Syria sida uu sheegay ururka Al-marsad oo u ololeeyo xaquuqda mucaaradka Syria.

Ururka ayaa sheegay in ku dhawaad laga daad gureeyay 109 qof kuwaas oo ku noolaa goobaha ay dowladda ay gacanta ku hayso balse dadkaan ayaa markii la daad gureynaayay waxaa lala beegsaday  qaraxyo.

Ilaa iyo hadda qaraxyada lala beegsaday dadkaan mas’uuliyadeeda cidna ma sheegan,kaasi oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Dhanka kale qaramada midoobay ayaa cambaareysay qaraxaani waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada isku haya Syria inay ka shaqeeyaan sidii nbadagalyo loogu soo dabaali lahaaku dhawaad 5kun oo qof oo laga daad gureynaayo deegaannada go’doonsan.

Qaramada midoobay ayaa bishii la soo dhaafay sheegtay in deegaannada ku jira go’doonka ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubaysan ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata.

Goobjoog News