U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed

Sheeko:Dalka

 Cabdikarim Xuseen Guuleed waxaa uu ku dhashay deegaanka Mustaxiil oo ka tirsan Itoobiya, lakin waxaa uu yaraantiisii ku nolaa, wax ku bartay kuna soo koray magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Waxbarashadiisa  Jaamacadeed waxaa uu ka dhameeyay University of science and technology ee dalka Yemen isagoo bartay Maamulka iyo Maareynta.

Cabdikarim Xuseen Guuleed wixii 2012-ka ka horeeyay waxaa uu ahaa shakhsi caadi oo aan han fiican u heyn Siyaasadda isagoo ka tirsanaa bahda Waxbarashada.

Cabdikarim Xuseen Guuleed, Waxaa uu muddo ka badan 20 sano ka badan ka shaqeynayey African Muslim Agency(AMA) xafiiskeeda Soomaaliya.

Cabdikarim Xuseen Guuleed, Waxaa Wasiir looga magacaabay 3 Xukuumad, Xukuumaddii Cabdi Farax Shirdoon, Xukuumaddii Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Xukuumadda Cumar Cabdirashid oo  ay diideen shacbka iyo Xildhibaanada.

November 4, 2012: Xukuumadda Cabdi Farax Shirdoon ayaa lagu dhawaaqay, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka. Xilkaas waxaa uu hayey 4 November 2012 – 17 January 2014

15 January 2014: Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Somalia iyo Somaliland.

Ergadii Dowladda Soomaliya iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Labada wafti waxaa kala hogaaminayey Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

January 17, 2014: Wasiirka kowaad ee xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa, Wasiirka Amniga Qaranka waxaa loo magacaabay Mudane C/kariin Xuseen Guuleed

November  30, 2014: Wada hadal kale ayaa dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii muddo hakad ay galeen wadahadalada, Wafdiga ka socda Maamulka Soomaaliland ayaa gaaray Magaalada Ankara,waxaana Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis .

Wafdiga Dowladda ayaa waxaa Hogaaminaya wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Xukumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

April 27, 2014:  Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hortagay baarlamaanka iyadoo su’aalo laga weydiiyay arrimo ku saabsan amniga oo ay ka mid yihiin: dilalkii loo geystay xildhibaanno, dad lagu laayay deegaanka Muuri, weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday madaxtooyada, odayaashii lagu dilay Buur-hakaba, howlaha hay’adaha ammaanka iyo kuwo kale.

May 24, 2014: Waxaa iscasilay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed kadib markii uu ku fashilmay arimaha amniga dalka.

Muadadii uu Wasiirka ka ahaa dowladda, Waxaa lagu xasuustaa Jubbooyinka, safaro uu ku tagay Hiiraan iyo arimo kale.

July 2014: Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Cabdikarim Guuleed  Lataliyahiisa xagga Siyaasadda isagoo sii waday kaalintiisii uu ku lahaa wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo arimo kale.

January 12, 2015: Ra’isal wasaaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada subaxnimada Isniinta ah, Golahan ayaa ka koobnaa 26 Wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 9 wasiiru dawle,  xukuumadda waxaa ku jiray Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

July 4, 2015: Waxaa Cabdikarim Xuseen Guuleed  loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Lama Xigan karo Xogtan iyadoo aan ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News