U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Maxamed Cabdullah Saalax-Xubin guddiga madaxa banaan ee dib eegista dastuurka Soomaaliya

Sheeko:War

Maxamed Cabdullah Saalax,  waa xubin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee dib eegista dastuurka Soomaaliya oo May 6-deedii 2015-ka gudoomiyahoodii Caasho Geelle is cashishay.

Mohammed Abdullah Saleh, dal iyo dibadba ka shaqeeyay, Waxaa uu ku hadlaa afafka kala duwan sida Soomaaliga, Talyaaniga , Carabiga, Ingiriiska iyo Kiswahiliga.

Mohammed Abdullah Saleh, waxaa uu dhashay 1954-tii, waxaa uu leeyahay 5 caruur ah.

Wuxuu waxbarashada ka gaaray Master, isagoo Master of Science, MS, civil law ka qaatay Haamacadda-Italy, 1980 – 1982.

Jaamacadda heerka koobaad waxaa uu ka qaatay Sharciga Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdishu 1968- 1972.

Halka Dugsi sare iyo dusgi hoose uu ka dhigay Iskuuladii Masaarida intii u dhaxeysay 1956-1965.

Waxaa uu ka shaqeynayey La taliye iyo Abuukaatenimo shirkado gudaha iyo caalami ah(1975- 1990).

Waxaa sidoo kale uu kasoo shaqeeyay Safaaradda Talyaaniga, Safaaradda Masar, Shirkadda Masaarida ee Egypt Trade Center iyo  Egypt Air.

Dhinaca kale, Waxaa uu kasoo shaqeeyay  Saudi Air iyo Safaaradda Sacuudiga, (Saudia) Action Aid Somalia (British NGO).
Dhanka Bankiyada iyo hor-marinta ayuu ka shaqeeyay sida World Bank, International Bank for reconstruction and Development, International Development Association iyo shirkado kale.
Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:

July 3, 2013: Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.

May 29, 2014: Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

June 18, 2014: Kulanka 39aad ee kalfadhiga afaraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka , 234 cod ayaa lagu meel mariyay golahan.

May 6, 2015: Marwo Caasho Geele Diiriye   ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta iyadoo ku sababeysay

June 4, 2015: Golaha Wasiirada ayaa Qoraaga Maxamed Daahir Afrax u magaacay guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.