U bood dhigaalka

GAAR AH: Taariikh Nololeedka Xildhibaannada Cabdulahi Jaamac Iyo Maxamud Maxamed Guure

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda si khaas ah ugu  soo gudbineysaa Taariikh Nololeedka Labada Xildhibaan ee kala ah Cabdulahi Jaamac iyo Maxamud Maxamed Guure.

Xildhibaannada oo Arbacadii ku geeriyooday weerarkii  ismiidaanta ahaa ee Hotel Ambasaddor ayaa maanta lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.

Taariikh Nololeedka Xildhibaan Cabdulahi Jaamac

Waxaa uu dhashay 1955, Gobollada dhexe ee dalka

Waxbarashadiisa waxaa uu ka bilaabay  Colleg-ka Booliiska dalka, markii uu dugsi dhexe gaaray waxaa uu ku biiray Booliiska Soomaaliya isagoo sii aaday Kuliyadda  General Kaahiye

1976: Waxaa uu dhaqaalaha ka dhameeyay Jaamacadda Lafoole, isagoo markaas kadib ka shaqeeyay Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga ee Soomaaliya.

Dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Belgium-ka iyo Hollanad ayaa safari aqoon kororsi iyo siminaarro ah ku tagay, isagoo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan shaqadiisa.

Waxaa uu ka tirsanaa Madaxda wakaaladda Harkaha Soomaaliyeed iyo Mareeyaha Warshadda KM7 ee dabarka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ku taallo.

Dagaalladii Sokeeye kadib waxaa uu tagay dalka Ingiriiska, isagoo halkaas ka sameeyay Waxbarasho sare, dalkana dib ugu soo laabtay.

1990-kii kadib waxaa uu ka qeyb qaatay inta badan shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay gudaha iyo dibadda.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii aasaasay Maamulkii hore ee Galmudug isagoo ka noqday Wasiirka Maaliyadda ee Galmudug.

2012-2016: Waxaa uu ka mid ahaa dadka ugu muhiimsan Xildhibaannda Federaaalka

Marxuumka waxaa uu ifka uga tagay 2 Xaas iyo caruur 10 badan.

 

 

Taariikh Nololeedka Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure

Proff: Maxamuud Maxamed Guure waxaa uu Ku dhashay Baladweyn 1957

Dugsiga Hoose: Baladweyn

Dugsiga Dhexe:  Axmed Guray

1978: Sare: Dugsiga sare ee Beeraha Afgooye

1975: Jaamacadda Missouri, Dhaqaalaha Beeraha

1988: Master: Dhaqaalaha Beeraha

Shaqo:

1988-89: Maareeyaha Arrimaha farsamada ee Mashruuca fidinta Beeraha ee la dhihi jiray AFNET.

1989-1994: FOA, Dalka Cumaan ayuu ka shaqeyn jiray

1999-2001: UNDP, Program Manager, Dalka Yemen

2006-2012: Community Devolpment, Chairperson hey’adda Concern Group.

2012: Xildhibaan ka tirsan federaalka.

Wargelin: Taariikhda Labadan Xildhibaan Lama xigan karo iyaddoo aan Ogolaashiyo laga heysan  Goobjoog News

Goobjoog News