U bood dhigaalka

Taariikhda Burci Maxamed Xamsa Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Naasahablood

Sheeko:Dalka, War

Burci Maxamed Xamsa oo ka mid noqday dadkii ku dhintay qaraxii sabtidii ka dhacay ee Hotelka Naasahablood waxaa uu ahaa aqoonyahan ku taqasusay Bey’ada iyo Dhirta.

Burci Maxamed Xamsa waxaa uu ahaa siyaasi iyi diblomaasi Soomaaliyeed, waxaa uu muddo kasoo shaqeynayey in badan siyaasadda Soomaaliya.

Dowladdii Maxamed Siyaad waxaa uu ahaa diblomaasi isagoo shaqooyin badan ka soo qabtay ururka Jaamacadda Carabta, Soomaaliyana u matalay.

Burburkii kadib, waxaa uu ka mid ahaa guddi UNOSOM kala shaqeynayey in Soomaaliya ay dastuur yeelato.

Shirar badan ayuu ka qeyb galay xilligii ay jireen dowladihii KMG aheyd, waxaa si fiican ugu dhawaa Sharif Xasan Sheekh Aden isagoo noqday lataliyihiisa gaar ah.

2008-2012: Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanaddii Djabuti lagu soo dhisay ee dowladdii Sheekh Sharif.

waxaa lagu xasuustaa in uu ka mid ahaa 3 guddi uu sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan si ay u diyaariyaan doorashada baarlamaanka 2012ka.

Guddiga waxaa sidoo kale xubnihiisa ku jiray xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille), xildhibaan Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi).

July 03, 2010: Xukuumaddii Cumar Cabdirashid  ee dowladdii Sheekh Sharif waxaa uu ka noqday  Wasiirka Wasaaradda Bay’ada iyo Dhirta.

August 2012kii: Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannadii la Magacaabay ee dowladda hadda jira ee Xasan Sheekh.

January 16, 2014: Waxaa loo Magacaabay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibaddaiyo Dhiirigelinta Maalgashiga

October 25, 2014: Waxaa loo Magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Maaliyadda

February 2015: Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’adda (Deegaanka)

June 25, 2016: Waxaa uu ku geeriyooday qarax ka dhacay Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho.

Burci waxaa uu heystay dhalashada dalka Canada, caruurtiisana halkaas ayey ku noolyihiin.

Goobjoog News,

Xogtan Lama Xigan Karo Ogolaashiyo La’aan