Taariikhda Fanaan Cismaan Maxamed Gacanlaw Oo Maanta Kale Sanadkii 2013 Ku Geeriyooday Hargeysa
25-bishii April Maanta oo kale Sanadkii 2013kii waxa Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Fanaan Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw oo lagu xasuusto in kaalin muuqata uu ka qaatay Fanka Soomaaliyeed.
Hadaba Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysaa taariikhda Marxuumka:-
Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw waxa uu ku dhashay deegaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer horraantii afartameedyadii
Cismaan wuxuu ku barbaaray magaalada Berbera halkaasoo uu ka bilaabay fanka sanadkii 1957 isaga oo qaaday heeso qaraami ah oo uu u dhiibay Maxamed Ismaaciil Barkhad cas oo isna geeriyooday.
Dhammaadkii 1957kii ayuu Gacanlaw u soo wareegay magaalada Hargeysa waxaanuu ku biiray kooxdii walaalaha Hargeysa
Dabayaaqadii sanadkii 1959kii ayuu ka qaybqaatay riwaayaddii la oran jiray “laguma dhaamee dhaqaaq” oo uu lahaa Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye “ waxayna riwaayaddaa ku wada jireen Xaliimo Khaliif Magool oo ay ka wada qaadeen heesta “Daahir, Deeqa arramidaadii “.
Cismaan waxa uu ka qaybqaatay riwaayado kale oo uu Saxardiid sameeyey waxaanu qaaday heeso kale oo uu isla Saxariid sameeyey sida heesta “ Calaf duug ma yeeshee” oo ay Magool la qaaday .
Cismaan Cabdikariin Wuxuu heeso badan oo kale qaaday markii ay magaalada Hargeysa u soo wareegtay xaliimo Khaliif Magool 1960kii.
Abwaan Cali Sugule ayaa isna heeso dhawr ah u dhiibay sida heesta “ mar hadaan nasteex ku dhagay midigtayda meesha aan doono waa in aan mushaaxo “. Oo ay la qaaday HIbo Nuura 1962kii.
Heesta “ Dhallinyarada joogta dhaqa maaldhiga lacagta “ Maxamed Cumar Huryo ayaa lahaa sannadkii 1965kii ayey soo baxday
Waxa uu ka qaybqaatay riwaayaddii “ Aabahay ka samree adiga“ oo uu lahaa Maxamed Cali Kaariye sanadkii 1973, wuxuuna ka qaaday heesta “Halkeebaynu joognaa oo Magool kula luuqeyso.
Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa jilitaanka riwaayaddii “ Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga oo uu curiyey Abwaan Xasan Ganey sanadkii 1978 wuxuuna ku matalaayey oday dhaqameed .
Bandhigii Laagoos ee dalka Naygeeriya ay hobolada Waaberi ku tageen 1977 waxa uu ka qaaday heeso badan waxaana Abwaan Cali Sugule oo ka sheekeeyey uu yiri “ heesaha uu Cismaan Gacanlaw qaaday waxaa qarkood u tumaayey 50 fanaan oo qalabka kala duwan ee codka sameeya haysta “ waxaana bandhigaasi ku wehelinayey badi hoboladi caanka ahaa ee Waaberi sida kuluc , Maxamed Yuusu,f Nakruuma, Magool , Qalanjo, Tubeec iyo fannaaniin kale oo aad u badan.
Heesaha kale ee uu qaaday waxa ka mid ahayd , “ Awr dhigo lehbaa igu buubayoo “ oo ay Magool la qaaday laxankana uu saaray Cali sugule.
Cismaan Maxamed Cabdikariim Wuxuu door lixaad leh ka qaatay soo saarista heeso ku salaysan dhaqan, jacayl iyo waddanimo oo ay wehliyaan heesaha qaraamiga waxaanu ahaa fannaan luuq dheer ku heesa oo awood u leh inuu qaado heesaha aadka loo jiido ku dhawaaqistooda.
Cismaan Maxamed Cabdikariim Gacanlaw Sanadkii 1980kii ayuu fanka ka baxay waxaanu tagay dalka Imaaraatka halkaasi oo uu ganacsi ka bilaabay.
Intii ka dambaysayna muu heesin waxaanu ku noolaa magaalada Burco wixii ka dambeeyey 1990kii illaa 25 bishii April ee sanadkii 2013ki oo uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa Allaha unaxariisto.
W/D:- Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News