U bood dhigaalka

Taariikhda Guddoonka Golaha Shacabka Federaalka Ah(Jawaari, Muudey Iyo Cawad) Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka, War

Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ah, waxaana ku guuleystay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka,  Cabdiweli Ibrahim Sheekh oo ku soo baxay guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad uu noqdey Mahad Cabadalla Cawad.

Hadaba halkan ka akhriso Taariikhda 3da:

Taariikhda Guddoomiyaha Golaha Shacabka: Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari:

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu  dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr  sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.

1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.

1990:  Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.

2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii  waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii. 

January 11, 2017: Waxaa mar kale loo doortey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya

Taariikhda Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad: Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey

Cabdiweli Sheekh Muudey waxaa uu ku dhashay Qoryooley 1964-tii, Waxaa uu ka qalin jabiyay Machadka SIMAD 1988-dii, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa:

2004-tii waxaa uu ka mid noqdey Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd,

2012-2010 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka,

2012-kii Xildhibaan ayuu mar kale noqdey, waxaa kaloo uu qabtey wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha

Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey oo baarlamaanka federaalka ah la hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u soo istaagey Kursiga guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka, kaas oo aad maqasheen inaan hadda ka hor horey u hayay, mar kale aan u soo tartamay oo la iga adkaaday, haddan aan mar kale u istaagay oo aan jeclahay inaan ku guuleysto, waxaan wax ku salaynayaa shareecada Islamamka, waxaan ahayn qof aamin ah oo aqoon u leh”.

January 12, 2017: Waxaa Cabdiweli Muudeey loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka.

Taariikhda Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad: Mahad Cabdalla Cawad

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa uu xildhibaan ahaa 2000-2016, xubin golaha wasiirada ayuu noqdey, waxyaabaha uu noqdey waxaa kaloo ka mid ah:

2012: waa guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee baarlamaanka 2012-2016,

Waxbarasho: Jaamacaddiisa waxa uu ku soo qaatay Siyaasadda iyo Daraasaadka Qaanuunka, jaamacadda Carleton University Ottawa, ee dalka Canada, waxaa uu shahaadooyin badan ka heystaa Public administration, Qaanuunka Caalamiga.

January 12, 2017: Mahad Cawad, waxaa mar kale loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha shacabka.

Goobjoog News