U bood dhigaalka

Taiwan oo Wakiil Keensaneysa Somaliland iyo Muuse Bixii oo Diiday La Kulanka Safiirka Shiinaha

Sheeko:Baarlamaanka

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Shiinaha iyo Somaliland ayaa sheegaya in Taiwan ayaa go’aansatay in dabayaaqada bishan ay wakiil usoo magacaabato Somaliland iyada oo sidoo kale ay labada dhinac si iskood ah isku aqoonsan doonaan.

Arrintan ayaa timid kadib markii July 1 ay maamullada Taiwan iyo Somaliland  sheegeen iney isdhaafsan doonaan wakiilo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu waramayaa inuu diiday la kulanka safiirka Shiinaha Qin Jian oo tan iyo axaddii joogay magaalada Hargeisa.

Somaliland aannan helin aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday goonni isu taagga 1991-dii.

Goobjoog News