U bood dhigaalka

Taliban Oo Ciidda Awgeed U Siideysay 50 Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka Afghanistan

Sheeko:Caalamka

Ilo dhanka Amniga ah ayaa sheegaya in Taliban ay sii deysay 40 askari oo ka tirsan Ciidamada Afghanistan kuwaasi oo ay horay ugu xireen Faryab ee waqooyiga dalkaasi.

Talibana ayaa sheegtay in ay siideysay rakaabkii saarnaa saddex Bus kuwaasi oo ay ku qabsadeen waqooyiga Afghanistan shalay Subax.

Afhayeenka Taliban Dabiixullaahi Mujaahid ayaa sheegay in gawaaridaan rakaabka ah la beegsaday ka dib markii ay ogaadeen sirdoonka Taliban in ay ku jiraan sided Mas’uul oo ka tirsan ciidamada Amniga ee dalkaasi.

Waxaa uu intaas ku daray in ku dhowaad 50 askari oo Afhganistan ah ay u sii daayeen Maalinta Ciidul Adxa owgeed.

Dhanka kale Madax ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegay in 148 qof la soo furtay kuwaasi oo horay ay u afduubteen Taliban xilli dowladda Afghanistan ay Jawaab ka su geyso ururka Taliban oo ku saabsan Xabad Joojin lagu dhawaaqay muddo dhan 3 bilood.

Madaxweynaha Afghanistan Asharaf Ghani ayaa horay ugu baaqay xabad joojin soconeyso muddo dhan 3 bilood balse ilaa iyo hadda si rasmi ah ugama soo Jawaabin in ay qaadanayaan xabad joojinta.

Goobjoog News