U bood dhigaalka

Taliska ciidamada DS ee Bakool oo ka hadlay saraakiil ka soo goostay Al-shabaab

Sheeko:War

Taliska ciidamada xooga dalka ee gobalka Bakool ayaa sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweyn doonaan cid walba oo ka baxda Al-shabaab kuna biirta dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Tima Cadde oo ah taliyaha guutada 66-aad ee ciidanka xooga dalka kuna sugan gobalka Bakool ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta dhalinyarada ka midka ah Al-shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan gobalka Bakool.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli shalay degmada Rab dhuurre lagu soo bandhigay ay afar ka tirsan saraakisha xarakada Al-shabab oo isku soo dhiibay dhankooda.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Tima Cadde ayaa u ballan qaaday in ay si wanaagsan ula dhaqmayaan dhalinyarada ku jira xarakada Al-shabaab ee isu soo dhiiba dowladda federaalka Soomaaliya.