U bood dhigaalka

Tarsan: Haddii la waayo Nidaamka Axsaabta Qabiilkeeyga ayaan Baarlamaanka soo socdaa Ka soo Galaya

Sheeko:Dalka

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir haddana ah Gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Bulshada ayaa sheegay in  Baarlamanka Soo socda ee Soomaliya uu ka soo gali doono qabiilka uu ka dhashay si buu yiri aan isbadal wanaag ah aan ku keeno

Gudoomiye Tarsan Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arimaha Gudaha ay caqabad ku noqdeen in uu gudbo sharciga axsaabta muddo 8 bilood ahna Xukuumadad Cumar Cabdi rashiid Shar’maake eey diiday in la gudbiyo sharciga axsaabta sidaasina eey dacwadda uga gudbiyeen

Waxa uu intaa ku daray in Xukuumadda Hadda jirtaa eey ku fashilantay in Biyo,Caafimaad ,Ammaan iyo Bahiyihii Bulshada eey buuxiso waxa kaliya ee looga fadhiyayna aay intaasi ahayd

“Majitaan wax la yiraahdo xafiis Dowladeed ee waxa halkaan ka jira ayaa ah Xafiisyo qabaa’il waxaana marqaati u ah in wasiir walba eey ku xeen daaban yihiin qabiilkiisa inaku waxa aan diidanahay waa qabiil iyo qurun wax lagu dhoodhoobo ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan”

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Hanka uu u qabo Hogaaminta dalka oo uu sheegay in waxa kaliye ee wax lagu badali karo eey tahay kursi taasna eey dadaal ku bixinayaan Xizbi ahaan  oo marka eey xilka qabtaan isbadal iyo Caddaalad eey ku xukumi doonaan dalkan Soomaliya

Isaga oo ku tilmaamay siyaasadda hadda madaxda dalka eey ku maamulayaan mid dano gaar ah lagu fulinayo , wax dan guud ahna cid ka shaqeeyneeysa eeysan jirin

Mar Goobjoog eey weeydiisay eedeymaha uu jeedinayo Tarsan in loo jeedi karo oo waxa uu wado eeysan dan qaran ahayn ayuu ku jawaabay in isaga uu taariikh wax qabad uu leeyahay Goboka Banaadir intii uu ka qabtayna eey marqaati u tahay

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ayaa mar uu soo hadal qaaday sababihii Xilka Gobolka Banaadir looga qaaday ayuu yiri” Maalintii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa eey ku guuleeysteen xilka isla maalintaasiba waxa eey igu bilaabeen in kalsooni daro eey igu beeraan oo la’yiraahdo waxaan keen saneeynaa Nin Dam jadiid … ugu dambeena idaacadda ayaan ka maqlay in xilkii la’iga qaday xitaa Ogeeysiis la’ima siin oo la ima dhihin waqtigaas ayaad shaqada ka tageeysaa”

Goobjoog ayaa wax ka weeydiisay hannaanka shaqo ee Xisbigga Caddlaadda Bulshada iyo sida uu xafiiskiisa u shaqeeyo ayuu ku jawaabay  Tarsan in wax xafiis ah uusan hadda Muqdishu uga furneeyn sababtana uu ku tilmaamay in ammaan uusan ka jirin Muqdisho oo aaysan dooneeyn in eey bar til maameed noqdaan

Waxaan sidoo kale weeydiinay Xubanah Xizbiga uu hogaamiyo oo aan weey diinay shakhsiyaadka la’yaqaano ee xubnaha ka ah ?

Tarsan ayaa Ku jawaabay “Ma waxaad rabtaa in aan magacyo kuu tiriyo ? Ma waxaad rabtaa qof wasiir soo noqday ? ma waxaad rabtaa nin xil sare soo qabtay ? Maya annaga saas marabno ,qof musuq lala xiriiriyay qof galkiisa dambi loo diiwaan galiyay ma’dooneeyno in aan xubin ka dhigno waxaan dooneeynaa qof nadiif ah oo aan ceebeeys neeyn ”

Wareeysiga oo aad u dheeraa ayaan ugu dambeeyn weeydiiyay Xalka waxa uu ku jiro isaga oo ku jawaabay in Dastuurka loo,laabto laguna shaqeeyo rabitaanka Shacabka Soomaliyeed .

Ku dhageeyso Qeeybta 2aad wareeysigaasi Khamiista 10:10am Barnaamijka Weeydii ee ka baxa GoobjoogFM

W/D:Aweys Xasan Maxamed (Aweys Codeey)