Tartan Aqooneedka Kedis oo Maanta Furmay iyo 4 Dugsi oo Isku Arkay.

Waxaa maanta Muqdisho bilowday tartan aqooneedkii Kedis ee Idaacadda Goobjoog kulankii 1-aad wareegii kowaad kaas oo ay ku tartamayeen dugsiyada kala ah Al- abaadir iyo Muzamil iyo Anas Bin Maalik iyo Al –nujuum.
Kulankii hore waxa uu dhexmaray Al-abaadir iyo Muzamil waxa ay guushu raacday dugsiga al-muzamil oo ku guulaystay 14 dhibcood halka dugsiga Al – abaadirna uu helay 6 dhibcood sidaas waxaa wareega labaad u soo wareegay dugsiga Muzamil
Kulankii labaad waxa uu dhexmaray labada dugsi Anas Bin Maalik iyo Al- nujuum waxa ay guusha raacday dugsiga Anas Bin Maalik oo helay 8 dhibcood halka Al- Nujuumna uu helay 4 dhibcood waxaana wareega labaad u soo gudbay dugsiga Anas Bin malik
Tartan waxaa taaba gelinaya jaamacadda SIMAD waxaana tabinaya idaacadda Goobjoog iyo Maandeeq.