U bood dhigaalka

Toogasho Ka Dhacday Magaalada Berlin Ee Jarmalka

Sheeko:Caalamka

Afar ruux ayaa dhaawac kasoo gaartay  toogasho ka dhacday magaalada Berlin ee dalkaJarmalka aroortii hore ee saakay sida ay xaqiijiyeen booliiska, iyagoo bartooda Twitter ka ku daabay in sedex ruux ay xaaladooda liidato.

Af-hayeen u hadlay booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in toogasho halis ah oo  ka dhacday Degmada Kreuzberg  ay ka dhalatay dhaawacyada ilaa Afar ruux oo Shacab ah, waxaa uu intaa sii raaciyay in aysin jirin wax muujinaayo ujeedo siyaasadeed oo ku aadan toogashada dhacday.

Kooxda dilka geysatay oo aan heybtooda la aqoon ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, Sawir qaade ka tirsan warbaahinta ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday irida laga galo Stresemannstrasse, una dhow xafiisyada xisbiga bidix-dhexe ee Social Democrats (SPD) ee dalka Jarmalka.

Afhayeen ayaa waxaa sii xusay  in wadaan baaritaano, lagu ogaanayo sababta ka dambeysay,  inkastoo aan la ogeeyn cidda ka dambeeysay. Waaxda dabdamiska ee magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka.

Goobjoog News