U bood dhigaalka

Trump Iyo Kim Oo Ku Sugan Singapore

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray dalka Singapore halkaasi oo lagu qaban doono shir-madaxeedka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un.

Wafdiga la socda Trump ayaa waxaa uu ka koobanyahay xogheyaha arrimaha dibadda mareykanka Mike Pompeo, la taliyaha amniga qaranka John R. Bolton iyo afhayeenka Aqalka cad Sarah Huckabee Sanders.

Sidoo kale hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-una ayaa isna saacado ka hor ka degay Singapore oo 12 bishan uu ka dhici doono Shir-madaxeedka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada hoggaamiye.

Ajendaha Trump iyo Kim ayaa noqonaya arrimaha hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Haddaba halkan ka akhriso arrimo brotocol ah oo la is weydiinayo

Goobjoog News