U bood dhigaalka

Trump Oo Xilka Ka Qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibedda Tillerson

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday Rex Tillerson oo ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Maraykanka, waxa uuna ku beddeley Agaasimihii CIA-da, Mike Pompeo.

”Mike Pompeo, Agaasimihii CIA-da, ayaa noqon doona Xoghayaha Arrimaha Dibedda. Shaqo cajiib ah ayuu qaban doonaa” ayaa Trump ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. “Rex Tillerson waa aad ku mahadsan tahay shaqadaadii!” Ayuu intaasi raaciyey.

Sida laga soo xigtey Washington Post, Trump ayaa Jimcihii Tillerson ka codsaday in uu booska banneeyo. 

Tillerson ayaa Isniintii soo gaabiyey booqasho uu Afrika ku marayey waxa uuna ku laabtay Washington.

Trump waxa kale oo uu sheegay in kuxigeenkii agaasimaha CIA-da, oo ah gabadh lagu magcaabo Gina Hapsel, ay noqon doonto agaasimaha cusub ee hay’addaasi.

Sababaha keenay in Tillerson shaqada laga cayriyo ayaa lagu sheegayaa inay tahay aragti kala duwanaansho u dhexeeya Trump iyo Tillerson. Tusaale ahaan, Tillerson waxa uu Trump kaga aragti duwanaa khilaaftii Khaliijka oo waxa uu marar badan cambaareeyey Sacuudiga, UAE, Masar iyo waddamadii kale ee go’doomiyey Qatar. Halka Trump uu taageersanaa go’doonka, bilawgiina Qatar ku eedeeyey inay taageerto argagaxisada.

Goobjoog News