U bood dhigaalka

Turkiga iyo G20: Merkel iyo Erdogan oo Qaxootiga isku Haya , Obama iyo Putin oo Arrinta Suuriya ku Muransan iyo Hollande oo Ka Baaqday

Sheeko:Caalamka

Shirka G20 ee sanadkan oo ka dhacaya dalka Turkiga gaar ahaa magaalo xeebeedka Antalya waxaa xoogga lagu saari doonaa arrimaha amaanka, Tahriibka Yurub, dagaalka Daacish, dagaalka Suuriya, isbadalka cimilada iyo weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday magaalada Paris.

Shirkan oo Axadda iyo Isniinta soconaya waxaa ka soo qeyb galaya Madaxda 20 dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka sida Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, Madaxweynaha  Ruushka Vladimir Putin, Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron, Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Chancellor Angela Merkel, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’isul Wasaaraha Hindiya Modi.

Madaxweynaha dalka Faranisiiska Francois Hollande ayaa ka baaqday ka soo qeyb galka shirkan sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Magaalada Paris.

Dalka Turkiga waxaa doorashada baaralamaanka ku guuleystay xisbiga AKP oo ah xisbiga hadda talada haya, shirkan dhaqaalaha ee hadda dalka Turkiga lagu qabanayo waxaa ay wax weyn ka tari doontaa in dadka aaminaan ballamihii uu xisbiga ku galay wax ka qabashada dhaqaalaha dalka Turkiga.

Shirkan Mid Dhaqaale ka weyn:

Obama iyo Putin: Waa markii labaad ee labada nin is arkaan wax ka yar 3 bil, Ruushka waxaa uu Suuriya ka wadaa howlgal aad weyn kaas oo aan lagala tashan Mareykanka iyo xulufadiisa.

Merkel iyo Erdogan: Angela Merkel waxaa dhibaato ku haya qaxootiga, dad badan oo dalka Jarmalka ku nool ayaa ku dhaliilay qaxootiga ay albaabada u furtay, Hadda waxaa ay dooneysaa in Erdogan ku cadaadiso in uu wax ka qabto qulqulka qaxootiga mar hadii uu ku guuleystay doorashadii Baarlamaanka.

Waa kaloo arimaha looga hadli doono ka mid ah arrinta Iran iyo hubka wax gumaada ee Nuclear iyo arrimo kale oo siyaasad ku saabsan.

Dalka Turkiga waxaa maanta nin isku qarxiyay Magaalada ku taalla xadka dalkaas uu la wagaao dalka Suuriya.

Sabitdii 4 ka tirsan Daacish ayaa lagu toogtay Bar Kontorol oo ku taalla Gaziantep, Ciidanma Militariga Turkiga ayaa ka shakiyay.

Hadaba, arrimaha shirkan iyo Natiijadiisa kala soco Goobjoog News